Xisbiyada Mucaaridka ah oo Sheegay in Suuq Madow Qandaraaska Diiwaangelinta Madaniga ah lagu siiyey Shirkad Xukuumaddu wadato iyo Jawaabta Guddiga Qandaraasyada

qanHargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday in Shirkad la sheegay inay ku guulaysatay Tartan loo galay Qandaraaska qabashada Diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland oo Sahal Tignolagy lagu magacaabo ay tahay Shirkad aan hore u jirin oo macmal ah, isla markaana ay Xukuumaddu, gaar ahaan Madaxtooyadu wadato, isla markaana aan sife sharci ah loo marin bixinta Qandaraaska ee Shirkaddaas lagu siiyey qaab musuqmaasuq, wax is-daba-marin iyo cid jeclaysi ah lagu bixiyey.

Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdillaahi Xaaji Xasan (Nugaal), oo Guddigoodu sharciyan kala saarayey shirkadaha u tartamayey diiwaangelinta Madaniga ah, oo Warayska Himilo xalay Waraysi siiiyey, ayaa deedifeeyey eedaymahaas, isla markaana ku dooday in tartankaasi u dhacay si xalaal ah, Shirkadda SAHAL-na ay ugu guulaysatay si xalaal ah, tahayna Shirkad ay leeyihiin Muwaaddiniin dhalinyaro reer Somaliland ah oo uu sheegay inay aqoon iyo karti muujiyeen. Waxa uu Aadan intaas ku daray inay Shirkaddani ku xusheen qodobbo muhiim ah oo ay buuxisay oo ay buuxin kari waayeen Afartameeyo Shirkadood oo ay u wada tartameen Qandaraaska hirgelinta diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland.

Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in guud ahaan habka bixinta Qandaraaskaas loo maray ee lagu siiyey Shirkadda SAHAL uu yahay musuqmaasuq qaawan oo laga badheedhay, laguna doonayo in lagu musuqo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo hore loogu muddeeyey inay dalka ka qabsoonto bisha Sagaalaad ee sannadkan.

Jamaal Cali Xuseen oo ugu horreyn arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Qodobka ugu horreeyaa waxa weeyaan arrinka diiwaangelinta madaniga ah ee maalin dhawayd Shirkad lagu magacaabay Sahal la siiyey, runtii markii aannu arrinkaas baadhnay 35 Shirkadood ayaa soo codsaday, shan baa isku soo hadhay, shantii waxa la weydiiyey inay mid waliba keento shuruudihii looga baahnaa, iyadoo arrinkaas loo ballansan yahay oo aan Shirkadihii la kala saarin ayuun baa Shirkad gaar ah markiiba la iska siiyey, iyagoo Shirkadihii kalena diyaar-garoobay, kharash badanina uu ka baxay, waxa noo muuqatay Shirkaddaasi inay ka socoto Madaxtooyada oo dadka leh dad Madaxtooyada ka soo jeeda qaarkood ay yihiin. Waxa kale oo noo muuqatay inaan loo marin habkii Tartanka Qandaraasyada Somaliland u qornaa ee gaarka ahaa oo ay Wasiirro dhex fadhiyeen.”

Musharraxa Madaweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas ku sii daray oo yidhi; “Waxa kale oo noo muuqatay in la doonayo in nidaamkan diiwaangelintaas madaniga ah loo is-ticmaalo diiwaangelintii Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka oo dhawaan bilaabmi doonta, haddaannu Xisbiga UCID nahay-na ma oggolin, waxaanannu arrinkaas u aragnaa arrin aan caddaalad ahayn oo uu musuqmaasuq badani ku jiro, sifaha loo bixiyey oo aan sharciga waafaqsanayn, oo aan xaq ahayn, oo lagu bixiyey sife ah nin jeclaysi. Shirkaddaasina ay tahay Shirkad aan hore u shaqayn waxay soo qabatayna aan la garanayn.”

“Waxa kale oo khatarteeda leh oo dadka ku keeni karta isku-dhac in haddii ay dawladdu ku fikirayso wixii shirkaddaasi ay samayso in loo isticmaalayo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, taasi waxaannu aqbalayno iyo mid aannu oggolaanayno maaha. Waanay kala madax-bannaan yihiin labada diiwaangelinood. Tan Madaniga ah sida lagu bixiyey sife qurux badan maaha, ee waa sifo musuqmaasuq badan iyo mad-madaw badani ka muuqdo oo god la isla galay, sababta oo ah marka Qandaraas la bixinayo, Waraaqahaa la furaa si gaar ah baa loo wada furaa, dadka shuruudohooda ayaa la eegaa. Laakiin, iyadoon Shuruudihii dadka la eegin in shirkad dusha laga saaro waa sharci-darro, wax wanaagsanna maaha, waana musuqmaasuq qaawan oo loo badheedhay, waanannu arkaynaa halkay ku socoto oo ah in loo jeedo in la musuqmaasuqo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, oo Xalay Khadka Taleefanka ugu warramay Weriye Cabdifataax Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo oo wax ka weydiiyey aragtidooda Shirkadda ku guulaysatay qabashada diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland, ayaa sheegay inay cambaaraynayaan qaabka Shirkaddaas loo siiyey Qandaraaska, isla markaana ay tahay hab musuqmaasuq iyo wax is-daba-marin ah, lana doonayo in lacag lagu lunsado oo ay Xukuumaddu dabada ka riixayso.

“Shirkadda la siiyey Qandaraaska waa Shirkad Macmal ah oo aan hore u jirin, wax shaqo ah oo ay hore u soo qabatay oo Diiwaangelin la xidhiidhaana aanay jirin, markaa waa Shirkad macmal ah oo keliya loo samaytay in Lacagta lagu qaato. Waxaannu aamminsannahay inaan loo jeedin in diiwaangelin Madani ah oo sax ah dalka laga qabto ee loo jeedo in Lacagta 2.5 (labada Milyan iyo Badh-ka) ah ee Miisaaniyadda Qaranka ugu jirta Diiwaangelinta Madaniga ah lagula baxo.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa, waxa uu sheegay inaanay shirkaddani awood ahaan iyo dhaqaale ahaan toona u qaban Karin hawsha diiwaangelinta Muwaaddiniinta Somaliland, waxaanu Xildhibaan Buubaa oo sababaynayaa yidhi; “Sababta oo ah Shirkaddani waa Shirkad aan hore u jirin oo hadda si ka gaadhsiis ah loo samaystay, waxaanay Shirkadihii kale ee dibedda ka yimi ee Qiimeeyey hawsha Diiwaangelinta Madaniga ah iyo Dhaqaalaha ku baxaya.”

Waxa uu Xildhibaan Ibraahin Mahadi oo sababaynta qodobbadaas sii sharraxayaa intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Waxaanay marka Shirkaddan wax la siiyey laga reebo Shirkadaha kale tii ugu qiimaha hoosaysay ku qiimaysay 4.5 (Afar Malyan iyo Badh) (Doollar), halka ay Shirkaddani ku qiimaysay 2.5 (Laba Milyan iyo Badh) oo ah inta Qasnadda ugu jirta hawsha Diiwaangelinta Madaniga ah, waxa la isku fadhiisiyey Lacagta dawladdu u hayso iyo Shirkaddan loo samaystay in lacagtaas lagula baxo oo ay Xukuumaddu wadato oo ay tahay wax ay sii ogaayeen Kharashka meesha ku jira.”

Xildhibaan Buubaa waxa uu ku dooday inay u arkaan inaan loo jeedin in diiwaangelin sax ahi dalka ka qabsoonto, waxaanu yidhi; “Sidaa daraaddeed, waxa muuqata inaanay Shirkaddani qaban karin hawsha Diiwaangelinta Madaniga ah ee Muwaaddiniinta reer Somaliland ee ay ku fashilmayso, Dhaqaalaha ay sheegtay inay hawshaa ku qabanaysana aanu ku fillaan Karin oo ay hawshaasi tahay mid fashilan. Markay sidaas tahay, waxaannu u aragnaa oo aan ku celinayaa inaan loo jeedin diiwaangelin sax ah oo lagu diiwaangeliyo Muwaaddiniinta dalka Somaliland.”

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, waxa uu sheegay inay maalmaha soo socda soo saari doonaan go’aanka ay Xisbi ahaan ka taagan yihiin Shirkaddaas la sheegay inay Qandaraaska diiwaangelinta ku guulaysatay, hase-yeeshee, ay hadda si aad ah u cambaaraynayaan Musuqmaasuqa iyo macmalka la sameeyey ee Shirkaddaas lagu soo saaray, sida uu hadalka u dhigay.

“Waananu cambaaraynaynaa qaabkaas caddaalad-darrada iyo Musuqmaasuqa ah ee Shirkaddaas lagu siiyey Qandaraaska diiwaangelinta Madaniga ah. Waxaana la doonayaa in la yidhaahdo inta meelahaa la soo marmaro oo wixii la doono la iska soo qorqoro in la yidhaahdo diiwaangelintii Madaniga ahayd baannu qabannay, taasina wax dalka iyo dadku u baahan yahay maaha, ee dadka iyo dalka Somaliland waxa uu u baahan yahay diiwaangelin sax ah, taasna waxa muuqata in jidkii lagu heli lahaa laga leexday.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa.

Haddaba, Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdillaahi Xaaji Xasan (Nugaal), oo sidoo kale Weriye Cabdifataax Mursal oo ka tirsan Wargeyska Himilo, xalay Khadka Taleefanka wax kaga weydiiyey eedaha ay Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI u jeediyeen,  waxa ay Afartanka shirkadood ee kale kaga xusheen Shirkadda SAHAL TECHNOLAGY iyo qaabka ay u kala saareen iyo weliba faro-gelinta ay Xukuumaddu ku leedahay doorka soo bixintaanka shirkaddaas.

“Waxaasi wax soconaya maaha ee 42 Shirkadood baannu ka doorannay Shirkaddan, oo ah Shirkad waddani ah oo ay leeyihiin Niman dhalinyaro Muwaaddiniin reer Somaliland ah oo aqoon iyo khibrad leh, markaa waxay Xisbiyadda Mucaaridka ahi Gaalada iyo Ajaanibka wax ula jecel yihiin ee ay ugu diiddan yihiin inay Muwaaddiniinta dalka u dhashay shaqadan qabtaan maaddaama oo ay awood u leeyihiin ma garan karo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Somaliland oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay eedaymaha kor ku xusan.

Waxa uu Guddoomiye Nugaal ku dooday inay saddex Guddi oo kala ah Guddigooda, Guddiga diyaarinta diiwaangelinta Madaniga ah ee heer Qaran iyo Guddiga Farsamo ee arrrinta diiwaangelinta oo uu Madaxweynuhu magacaabay ka wada hawl-galeen arrintan, isla markaana ay shirkaddaasi ku soo baxday si caddaalad iyo xalaal ah oo aan musuq iyo mad-madaw toona ku jirin.

“Horta, waxa ugu horreeya ee loo baahan yahay waxa weeye in la kala saaro Muwaaddiniinta reer Somaliland iyo dadka aan dalka u dhalan, waynu ognahay oo dalkeenna waxa jooga dad badan oo Ajaanib ah oo qaarkood dalka ku dhasheen oo ay Af-Soomaaligaba innaga badiyaan, markaa in la kala saaro Muwaaddinka iyo qofka aan muwaaddinka ahayn oo ka dalka u dhashay kaadhka Muwaaddinnimada la siiyo, taasi waa muhiimadda la rabo. Waxa weeye waxa lagu kala saarayaa Barnaamij dhan oo illaa Tigreetadii Madaxweynaha daba-socda.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland.

Guddoomiye Aadan-Nugaal oo sharraxaadda shuruudaha ay shirkaddan ku qaateen sii wadaa waxa uu yidhi; “Markaa, waxa weeye ahmiyadda ay leedahay waxa jira Hannaanka ama Habka Furaha Dhaatada, marku qofku samaynayo Barnaamijka diiwaangelinta waa in dalka laga qabanayaa uu haystaa furaha dhaatada dadkiisa, waayo waxa la Sawirayaa Indhaha, Wejiga, Faraha iyo Xogta Tiro-koobkeenna, taasna Shirkadihii kale ee Tartanka galay way naga diideen oo waxay yidhaahdeen idinkuma wareejinayno Furaha Dhaatada Xogta diiwaangelinta, mana doonayno inay xogteenna cid kale maamulato, Shirkaddanina waxay noqotay ta keliya ee aan Dhaatada Xogta diiwaangelinta dal kale iyo ajaanib toona u dhiibayn ee aannu helayno.”

“Waxa kale oo aan ku xulannay in haddii goor dhaw aynu u baahanno in nidaamka diiwaangelinta la samaynayo ee madaniga ah wax laga beddelo inay tahay mid si fudud u samayn karta beddelka ama kaabista loo baahan yahay. Waxa kale oo aannu ku xulannay oo ay samaysay shirkaddani wax aanay dhammaan Shirkadihii kale samaynin oo waxay soo bandhigeen Farsamo iyo aqoon cajiib ah oo aannu si toosa (Live) uga daawanaynay Hargeysas iyagoo Berbera jooga. Markaa, waxaannu u aragnaa inay Shirkaddani tahay tii Somaliland meel gaadhsiin lahayd, waligeenna inaynu Gaalo iyo Ajaanib uun daba soconno oo ay wexeenna maamulaan waa laga wanaagsan yahay.” ayuu yidhi Guddoomiye Aadan.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Aadan Cabdillaahi Xaaji Xasan (Nugaal) oo ka jawaabayey eedaynta Xisbiyada waxa uu yidhi; “Waxaannu filaynay in ay Xisbiyada Mucaaridka ahi nagu hambalyeeyaan oo ay nagu bogaadiyaan inay tartanka ku soo baxday Shirkaddan Waddaniga ah oo ah Shirkaddii ugu horreysay ee waddani ah ee diiwaangelin tartan u gasha ee soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay hawshaa si fiican u qaban karto, runtii mid aannu ammaan iyo bogaadin ka filaynay weeye, Xisbiyadda Mucaaridka ahina inay Muwaaddiniinta kala cararaan inay shaqo helaan oo ay Ajaanib la raadiyaan waa looga wanaagsan yahay, dhalliisha iyo mucaaradaddana waannu oggol-nahay, laakiin tani waxaannu u aragnaa inaanay ahayn tii nalagu dhalliili lahaa.”

Waxaanu intaas raaciyey; “Ma jiro wax faro-gelin ah oo ay Xukuumaddu ku samaysay hawsha kala saarista Shirkadaha iyo Shirkad ay gaar u wadatay toona, mana jiro musuqmaasuq iyo caddaalad-darro aannu Guddi Qandaraasyo ahaan iyo Guddiyada kale ee Madaxweynuhu hawshan u magacaabay toona aannu samaynay, ee si caddaalad ah ayay Shirkaddani ku soo baxday waanannu ka xunnahay inay Mucaaridku sidaas yidhaahdaan.”

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo aan weydiiyey Xaddiga Lacagta ay Qandaraaska qabashada diiwaangelinta Muwaaddiniinta ku siiyeen Shirkadda SAHAL iyo waxay kharash ahaan kaga duwanayd Shirkadaha kale, waxa uu yidhi; “Aad iyo aad bay uga lacag jabnayd Shirkadaha kale, Dhaqaaluhuna waxa ugu muhiimsan ee aannu eegayno ayuu ka mid ahaa, Shirkadaha kale ee Ajaanibka ah qaarkood Sagaal Milyan oo Doollar baannu ku qabanaynaa bay yidhaahdeen hawsha, qaar toddoba Milyan, qaar Lix Milyan, illaa Afar Milyan iyo badh oo ugu hooseeyey, Shirkadanina waxay tidhi 2.5 (Laba Milyan iyo Badh) Doollar baan hawshaas si fiican ugu qabanynaa. Markaa, haa way ka lacag jabnayd kuwa kale, dhaqaaleheennana waynu ognahay, in markaa Muwaaddiniin sidii ugu fiicnayd diiwaangelinta innoogu qabanaya oo dhaqaale ahaan innoo sahlan oo aan Dhaatada Xogteenna cid kale iyo dal kale toona geynaynin in la yidhaahdo maxaa loo siiyey ma habboona.”

XIGASHO: HIMILO