Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo walaac ka qaba Xaaladda Dalka iyo Suurta-galnimada Doorashooyin Qabsoomi kara

Hargeysa (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda Siyaasadeed iyo nabadgelyo ee wakhtigan dalka Somaliland marayo, waxaanay ka dayriyeen dhinaca Xukuumadda iyo sida ay u qaabbishay duruufaha qaarkood, kuwo kalena ay iyadu door ugu leedahay imashadooda, sida dib u dhac la filayo inuu doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku yimaaddo, Toogashada Booliska ee Shacabka, gaar ahaan dhalinyarada iyo arrinta Mlleeshiyaadka Suldaan Wabar.

weewGuddoomiye Ku-xigeennada koowaad iyo saddexaad ee Xisbiyada UCID iyo WADDANI Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Axmed Muumin Seed, oo TV-ga Star wax ka weydiiyey sida ay u arkaan xaaladda dalku wakhtigan marayo iyo halka uu ku dambeeyey doorkii Mucaaridnimo ee Xisbiyada Mucaaradka ah looga baahnaa, ayaa mid waliba dhiniciisa muujiyey aragtida Xisbigiisa ee waajahan xaaladaha dalka ka taagan wakhtigan iyo waxyaabaha ka dhalan kara ee soo fool-leh.

HALKAN HOOSE KA DAAWO