Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Ogolaaday Gogol wada-xaajood oo Madaxweynaha Biixi u fidiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland, ayaa sheegay inay ka tanaasuleen Go’aan ay hore u gaadheen kaas oo ahaa in aanay wax kulan ah la yeelan doonin Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi illaa uu Dalka doorasho ka qabto.

Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay inay ka noqdeen Go’aankoodii hore isla-markaana la kulmayaan Madaxweynaha, si looga wada-hadallo qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada & Deegaanka iyo sii-anba qaadidda xal Khilaaf ka taagnaa Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo ku hadlayey Afka labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay miiska wada-hadalka ula fadhiisan lahaayeen madaxweynaha iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee Kulmiye.

Warkan oo Faahaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose