Xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumadda Somaliland oo Is-afgarad ka yeeshay Khilaaf sharci oo u dhexeeyey iyo Nuxurka Qodobbo lagu heshiiyey

“Qodobka laga heshiiyey waa qodobka 25aad ee xeerka Golaha loo gudbiyey. Wuxuu u qornaa, Muwaadinka qaadanaya Kaadhka codbixintu waa inuu sitaa Kaadhka Dhalashada. Walaaladayow (Mucaaradka) taas meel xunbay ka ururiyeen. Waxay yidhaadeen noogu (innoogu) dara Kii ka habsaama..” MUUSE BIIXI

“Aragtiyo kala duwan baa ka soo baxay Xeerkii Golaha Wakiillada loo gudbiyey ee labada Diiwaangelinood, heshiisyadii hore iyada oo la eegayana, waxay ahayd labada diiwaangelinood inaanay is-dabrin oo ay kala madax-bannaanaadaan..” CIRRO

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukumadda Somaliland, ayaa heshiis ka gaadhay khilaaf dhinaca sharciyadda Diiwaangelinta Madaniga ah oo u dhexeeyey labada dhinac, ka dib markii Mucaaradku saluug ka muujiyeen qodobbo ku xusan xeerka Diiwaangelinaha, taas oo sababtay inay gebi ahaanba qaaddacaan in dalka laga hirgeliyo, arrintaas oo mugdi ku abuurtay suurta-galnimada doorashooyinka la filayo dalka inay ka qabsoomaan sannadka dambe badhtamihiisa.a

DSC_00092-620x330Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo maamulkeeda ay gacanta ku hayso isla markaana ay bixinayso kharashka ku baxaya iyo diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo kharashaadka ku baxaya iyo geeddi-socodka hawlaheedu ka dhexeeyo Xisbiyada, Komishanka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa hore loogu heshiiyey kulan beesha caalamku job-joog ka ahayd in si wada-jir ah dalka loogu qabto. Haseyeeshee Xukuumadda Somaliland, ayaa xeerka ay u samaysay diiwaangelinta ku xoojisay inaan la bixin karin kaadhka cod-bixinta ilaa laga hubinayo qofka codbixinta ka qayb-qaadanaya yahay qof laga xaqiijiyey inuu yahay muwaadin dalka u dhashay.

WUKKulamo maalmihii u dambeeyay u socday Madaxda Xukumadda oo Madaxweynuhu hogaaminayay iyo Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran, ayaa la isku afgartay in diwaangalinta Madaniga ahi wakhtigeeda ku qabsoonto islamarkaana dadku qaato Kaadhka Aqoonsiga, balse qofka Warqadda aqoonsiga wakhtigu aanu u saamixin inuu qaato aan lagu xidhin inuu helo Kaadhka Cod-bixinta, waxaanu go’aankani suurta-gal ka dhigayaa in labada diwaangalinood isbarbar socdaan.

DSC_00653Kulan shalay Aqalka madax-tooyada ku dhexmarya hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda iyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa heshiiskan lagu gaadhay, waxaana natiijada heshiisyada go’aamada oo loo ballansanaa lagu shaaciyey ka dib kulanka maanta dhexmaray Axsaabta Qaranka iyo Xukuumadda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay wehelinayaan Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo xubno xisbigiisa ka tirsan wehelinayaan, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo ku-xigeenkiisa Maxamed Kaahin iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay Qasriga madaxtooyada maanta, ayaa faahfaahiyey nuxurka qodobbada lagu heshiiyey.

DSC_00401Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Md Cabdiraxmaan Saylici oo wax ka taabtay qodobbo ka mid ah heshiiska la gaadhay. “Waxaanu ku heshiinay in xeerkii diwaangalintu sidiisi u socdo wixii qodob iyo laba ee laga taabtayna madaxweynuhu ka daba-gudbiyo oo golaha wakiilada loo gudbiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in markii la gorfeeyay murankii diwaangalinta la isla gartay in wixii isku dabraya doorashada laga saaro xeerka diwaangalinta oo madaxweynuhu Golaha wakiilada u gudbiyo qodobada wax laga beddelayo.

“Aragtiyo kala duwan baa ka soo baxay Xeerkii Golaha Wakiillada loo gudbiyey ee labada Diiwaangelinood, heshiisyadii hore iyada oo la eegayana, waxay ahayd labada diiwaangelinood inaanay is-dabrin oo ay kala madax-bannaanaadaan. Markaanu aad u gorfaynay, wixii aanu u arkaynay inay dabrayso diiwaangelinta codbixiyeyaasha, aragti midaysan baanu isla qaadannay, sidaa la sheegayna madaxweynaha ayaa golaha u gudbin doona,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

DSC_0072Gudoomiyaha UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Haddaanu nahay Axsaabta mucaaradka marna kamaanu soo horjeedin in la qaato kaadhka muwaadiniimada. Annagu waxaanu doonaynay inaan qofka ka gaadhi waaya inuu qaato Kaadhka aqoonsiga aanay ka xannibin qaadashada Kaadhka Codaynta oo aan la odhan Kaadhkii Codaynta maad qaadan ee loo sameeyo hab uu ku qaadan karo kaadhka Codaynta.intaas ayaanu isku haynay intiina way noo soo dhamaatay, Xannibaadiina waa laga qaaday.”

Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan u sharraxay qodobbada ay xukuumadda iyo axsaabta Siyaasaddu ku heshiiyeen, waxaanu yidhi, “Maanta waxa nasiib-wanaag ah inay isku-beegmeen maalintii Nabadda Adduunka iyo innaga is-afgarannay murankii dhexdeenna jiray. Marnaba xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba inaanaan ku talo-jirin in sharciga la isku haystay uu xannibo doorashada. Qodobka laga heshiiyey waa qodobka 25aad ee xeerka Golaha loo gudbiyey. Wuxuu u qornaa, Muwaadinka qaadanaya Kaadhka codbixintu waa inuu sitaa Kaadhka Dhalashada. Walaaladayow (Mucaaradka) taas meel xunbay ka ururiyeen. Waxay yidhaadeen noogu (innoogu) dara Kii ka habsaama ee soo qaadan waaya warqadda dhalashada markaa hore in goobta diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay joogto Wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidankeeda oo iyadana lagu siiyo halkaas.”

 

SOMALILANDPOST.NET