“Xisbigii UDUB waad ogeydeen, si nacasnimo ah buu innagu dhaafay, Xisbigii ugu weynaana wuu ahaa, maantana Xisbil-xaakimkii weeye…” – GUDDOOMIIYE Saleebaan oo Guddi u saaray Khilaafka Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in turaan-turooyinka ku yimaadda Axsaabta qaranku dhaawac weyn ku keenayso Qaranimada Somaliland, waxaanu sheegay in saamaynta khilaafka ka dhex-aloosmay xisbiga Kulmiye ay si deg-deg ah kor u sii kacayso.

Saleebaan gaalGuddoomiyaha Saleebaan waxa uu sidaas ku sheegay Fadhi Golaha Guurtidu maanta yeeshay, halkaas oo uu kaga dhawaaqay guddi ka kooban 16 xubnood oo saddex ka midi yihiin Shir-guddoonka Golaha, kuwaas oo isugu jira Hal-doorka iyo Wax-garadka Golaha Odayaasha Somaliland.

Md Saleebaan oo hadal ka jeediyey fadhiga Golaha, ayaa sheegay inay nacasnimo ahayd inuu saaxadda siyaasadda ka baxo Xisbigii aasaaskiisu ugu horreyey Somaliland ee UDUB markii talada dalka lagaga guulaystay.

Isaga oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Khilaafka Xisbil-xaakimkii ka taagan in aynu galnaan jecelahay, waayo? Shalayto haddaan Raadyawga iyo wax dheg-dhegaystay waxaad mooddaa si degdeg ah, xawli oo kulul bay wax ku socdaan, balaayana waxay leedahay daaman la qabto ee daba la qabto male baynu ku maahmaahi jirnay. Inaynu arrintaa xilkeeda qaadanno oo wixii aynu ka qaban karno inaynu guda-galno, oo daminno, wixii isu soo dhawayn ahaana aynu ka qabanno. Waayo? Xisbigii qoonmaaba waa dhaawac ku yimi Qaranka.”

“Xisbigii UDUB waad ogeydeen, si nacasnimo ah buu innagu dhaafay, Xisbigii ugu weynaana wuu ahaa, dee waa Khasaare Qaran weeye. Maaha UDUB uun ee waa khasaare Qaran, maantana Xisbil-xaakimkii weeye, iyagu markaa kursiga kumabay fadhiyine Xisbul-xaakimkuna ka sii daran. Markaa, waxaan jecelahay inaynu arrintaas guda-galno, Guddina u saarno haddii aad naga aqbashaan,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan.

“Maantoo kale waxba looma yar-yaraysto ee Guddi ballaadhan baynu u saaraynaa, nin waliba ninka uu ka weyn yahay baynu u xulaynaa, Rag yaryar oo dhalinyaro ah oo firfircooni waa jiraan, laakiin maanta Ruug culusta ayaynu u saaraynaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo soo jeedintiisaas Mudanayaasha Guurtida ee fadhiga maanta ka soo xaadiray si aqlabiyad ah u aqbaleen magacaabista Guddigaas. Waxaanu Guddoomiyuhu Mudanayaasha ku war-geliyey inta hawshaas xallinta ay ku jiraan fadhiyadii Goluhu fasax yihiin.

Xubnaha Guddiga ee la magacaabay

1-  Xildhibaan Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf

2-  Xildhibaan Muxumed Aw Maxamed

3-   Xildhibaan Cawil Xuseen Axmed

4-  Xildhibaan Nuur Rayaale Khayre

5-   Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan

6-   Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye

7-   Xil. Sheekh Maxamuud Xirsi Faarax

8-   Xildhibaan Cabdiqaadir Aw Xuseen

9-   Xil. Axmed Nuur Aw Cali

10-   Xil Maxamed Jamaac Abbokor

11-   Xil Maxamuud Xareed

12-   Xil. Saleebaan Garas Seed

13-   Xil. Yuusuf Cabdillaahi Cawaale.