Xisbiga Waddani Oo Taageero Uga Muujiyay Gobolada Awdal iyo Selel Muranka Xubnaha Golaha Wakiilada U Matali Doona

 

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa daboolka ka qaaday inay taageersanyihiin cabashada 13-ka xildhibaan ee ka soo jeeda gobalada Awdal iyo Selel isla markaasna ay la garab istaagi doonaan waxii awoodooda ah.

xildhibaandan ayaa diidan tirada gobalada Awdal iyo Selel ka soo gasha golaha wakiilada oo wakhtidheer uu muranka soo taagnaa, waxaana xisbiga Waddani arintan uga hadlay guddoomiye xigeenka xisbigaas Axmed Muumin Seed oo warbaahinta kula hadlay xafiiskooda waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi  “Xildhibaanada Awdal ee fadhigii la keenay xeerka golaha wakiilada lagu soo dooranayay ka dareeray waa dareentaagan oo miisaankiisa leh, waa arin marwalba horyaalay xukuumadii dalka soo maray,arinkaas anagu ka Waddani ahaan waxaanu taageersanahay cabashada ay muujiyeen sadex iyo tobanka xildhibaan oo ka wakiil ah shacbiga ku nool labadaas gobol, waxaanuna ka xisbi ahaan diyaar u nahay inaanu wax kasta oo nagaga soo aadan intayada aanu ka qaadano, taladanina in aanay ahayn mid cid kaliyaata u taala ee ay u talo qaranka Somaliland, laakiin maanta la kala leeyahay masuuliyada, cida ay masuuliyadaasi dul hoganaysa ee la doonayo inay xalisaa waa xukuumada talada dalka haysa.anagu waanu taageersanahay waxii aanu la qaban karnona waanu la garab joogaynaa.”