Xisbiga WADDANI oo Si toos ah U Shaaciyey In aannay Kala Jeclayn Musharixiinta Xisbiga Kulmiye

Hargeysa(SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye ayaa sheegay in aannay kala jeclayn qofkasta oo ka soo baxa musharaxnimada xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo uu xisbigu sheegay in aannay waxba ka jirin in ay Maxamed Biixi ka jecel yihiin xubnaha kale ee tartamaya, taasi oo saxaafaddu ka baahisay in uu sheegay sarkaal ka tirsan xubnaha golaha sare ee Waddani.

 

Warsaxaafadeed uu xibiga Waddani soo saaray oo uu ku saxeexan yahay xoghayaha guude ee xisbiga Mudane Uurcadde oo goor dhawayd soo gaadhay xafiiska warqabashada ee Somalilandpost ayaa waxa uu u dhignaa Sidan:

 

Jamhuuriyada Somaliland waa dal dimuqraadiya  ah. isla markaan leh hanaanka xisbiyada badan, xisbi walbana waxaa ku waajib ah  in uu qabsado shirkiisii Golaha dhexe si loo soo xulo musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee uga qayb gelaya doorashooyinka.

Xisbiga  KULMIYE waa xisbi Qaran oo umada Somaliland ka dhaxeeya, sida aynu la wada socono waxax dhawaan (10 November,2015) qorshaysan inuu qabsoomo shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

 

Xisbiga WADDANI wuxuu rajaynayaa in shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.

 

Waxa xusid mudan in aan xisbiga WADDANI kala jeclayn cidda ka soo baxaysa, isla markaana  cid gaar ah taageersanayn, waxa aannu diyaar u nahay in aan tartan xor ah oo xalaal ah la gallno cid kasta oo ay soo saraan Gollaha dhexe ee xibiga KULMIYE.

 

 

Md: Maxamede Cabdilaahi Uur-cade

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI