Xisbiga Waddani oo si adag u cambaareeyey Xadhigga Aqoonyahanno maalintii Afraad si sharci-darro ah ugu Xidhan magaalada Gabiley

MuuseGabiley (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenla Labaad ee Xisbiga Waddani Muuse Cabdilaahi Nuur, ayaa cambaareeyay xadhigga  afar ka mid aqoonyahanka Gobolka Gabiley oo maalintii shanaad maxkamad la’aan ugu xidhan xabsiga Magaalada Gabiley.

Xadhigga afarta Aqoonyahan oo la sheegay inuu amarkiisa bixiyey Maayarka Gabiley oo ku eedeeyey inay faro-gelin aan sharcigu u ogolayn ku sameeyeen Mashruuca GPLG ee lagu taageero horumarinta dhinaca adeegyada bulshada ee dawladda Hoose Qabato.

Gudoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga Waddani oo Warbaahinta ugu waramey Magaalada Gabiley, ayaa si adag u cambaareeyay Xadhiga Muwaadiniintaas, oo uu ku tilmaamay in uu yahey mid xaqdaro ah maadaama aan loo marin sifo sharci ah islamarkaana loo xidhey nidaam cadaalad daro ah, waxaanu ka dalbadey haya’adaha ammaanka ee ay gacanta ugu jiraan inay si degdeg ah u horgeeyaan garsoorka si loo dhageysto dacwada loo haysto.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Xisbiga Waddani Waxaan cambaareynayaa Xadhiga afar kamid aqoonyahanka Gobolka Gabiley, oo ah rag dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah oo afar maalmood xaqdaro ,ku xidhan sifo sharciga baalmarsan loo taxaabay waxa xadhigoodu yahey Qeyra masuulnimo aan loo dulqaadan karin waxeyna u xidhan yihiin aragtidooda oo ay ka hadleen iyagoo sheegaya arintii miisaaniyada Golaha Deegaanka oo aan aniguba daawanayey, waxaan ka codsaneynaa Xukuumada in ay sidegdeg ah xoroyadooda ugu soo celiyaan inamadaas,”ayuu yidhi Muuse Cabdilaahi Nuur(Muuse Suweyn).

Si kastaba ha ahaatee, afarta maxbuus oo ka mid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee gobolka Gabiley, ayaa maalintii afraad u Xidhan Maayarka Gabiley oo wakhtigan ku maqan Ceerigaabo oo uu kaga qayb-galay shirka maayarrada magaalooyinka dalka.

SOMALILANDPOST.NET