Xisbiga Waddani oo sharci-darro ku tilmaamay Qaabka Xukuumaddu u gudo-gashay bilowga Diiwaangelinta Madaniga ah

Xisbiga Waddani oo sharci-darro ku tilmaamay Qaabka Xukuumaddu u gudo-gashay bilowga Diiwaangelinta Madaniga ahHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa sharci-darro nidaamka dalka baalmarsan ku tilmaamay diiwaangelinta Madaniga ah oo xukuumaddu bilowday maanta maadamaa goolayaasha Sharci-dejinta aanay wali ansixin Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah oo golaha Wakiillada horyaala.

Xoghayaha Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Axmed Maxamed oo maanta warbaahinta kulahadlayey Hargeysa, ayaa sheegay in qaabka xukuumaddu u gudo-gashay bilowga Diiwaangelinta Madaniga ahi ay sharciyadda baal-marsan tahay, isaga oo ku dooday in xeerka diiwaangelintu aanu wali ka soo bixin goleyaasha sharci-dejinta

HALKAN KA DAAWO