Xisbiga Waddani Oo Magacaabay Xilal Cusub Oo Uu Xoghayaha Cadaaladu Ka Mid Yahay

Hargeysa(SLpost)-Xisbiga Waddani ayaa magacaabay xilil cusub oo uu ka mid yahay xoghayaha cadaalada ee xibiga iyo ku xigeenka xoghayaha siyaasada, waxaana qoraal uu uu soo saaray xisbigu oo uu ku saxeexnaa gudoomiyaha xisbiga  Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cadillahi (Cirro) waxa uu u dhignaa sidan

EF/XIS/WAD/XDH/2280/2015 Taariikh: Dec 28, 2015

KU: Barkhad Jaamac Xirsi =Hargeysa=

KU: Maxamed Abiib Yuusuf =Hargeysa=

KU: Yoonis Axmed Yoonis =Hargeysa=

KU:Axmed Cabdillahi Xuseen (Al-imam) =Hargeysa=

OG: Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI =Hargeysa=

Ujeeddo: Magacaabis Xilal.

Markaan darsay: Qodobka 28aad iyo 29aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan Arkay: Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan

Markaan la Tashaday: Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku Qancay: Kartida iyo Aqoonta Xubnahan

Ka dib la-tashi uu sameeyey hoggaanka xisbiga waddani wuxu Maanta oo taariikhdu tahay December 28, 2015ka go’aamiyey in la magacaabo xubnahan hoos ku qoran:

No

Magac

Xil

1.

Md. Barkhad Jaamac Xirsi

Xoghayaha Caddaaladda

2.

Md. Maxamed Abiib Yuusuf

Ku-Xigeenka Xoghayaha Siyaasadda

3.

Md. Yoonis Axmed Yoonis

Ku-Xigeenka Xoghayaha Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha

4.

Md. Axmed Cabdillahi Xuseen (Al-imam)

La-taliyaha Guddoomiyaha ee Arrimaha Waxbarashada iyo Tacliinta sare

Waxan illaahay uga baryeynaa inay ku soo biirin-doonan Xisbiga WADDANI fikrado cusub iyagoo kaashanaya aqoontooda iyo kartidooda.

ALLA MAHAD LEH

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cadillahi (Cirro)

Guddoomiyha Xisbiga WADDANI