Xisbiga WADDANI oo ku baaqay in la kala diro Guddiga Doorashooyinka iyo Sababaha ku kallifay

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa shaaciyey inay kalsoonida kala noqdeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, iyagoo go’aankooda ku sababeeyey waxa ay ku sheegeen kalsooni-darro ay ka qaadeen iyo inaanay ku qanacsanayn natiijadii ka soo baxday iyo qaabkii loo maamulay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii November ee sannadki hore.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta saxaafadda la hadlay, waxa uu xisbigu ku baaqay in la kala diro Guddiga Doorashooyinka isla markaana aanay ku kalsoonaan doonin doorasho dambe oo guddigani qabtaan.

SHIRKA JAR’AAID EE CABDIRAXMAAN CIRRO, KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE