Xisbiga Waddani oo kaga dhawaajiyey Go’aan Dhiirri-gelinaya Dib-u-dhac ku yimaadda Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo masuuliyiintiisu ugu fadalo cad-cad yihiin siyaasiyiin Xukuumadda cadaadiska xooggan ku haya sidii ay doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilladu Wakhtiga loo muddeeyey ugu qabsoomi lahaayeen, ayaa haddana hadallada ka soo yeedhayaa u muuqdaan qaar dhiirri-gelinaya dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha sannadka soo socda ee 2015-ka.
Xisbiga Waddani oo kaga dhawaajiyey Go’aan Dhiirri-gelinaya Dib-u-dhac ku yimaadda DoorashooyinkaAfhayeenka Xisbiga Xisbiga Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa maanta kaga dhawaajiyey go’aan ay xisbi ahaan ku gaadheen inay xal u noqon karto qabsoomidda doorasho xalaal ah, balse haddii lagu tallaabsado sababi karta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo doorashooyinka oo wakhtigooda dib uga dhaca maadaama wakhti kooban ka hadhsan yahay muddada loo asteeyey.

Afhayeenka Xisbiga Waddani oo shalay warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday inay muddo laba bilood ahi ka hadhsan tahay muddo xileedka guddiga doorashooyinka Qaranka, oo ah hay’adda suurta-gelinaysa inay qabsoonto doorashadu, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la beddelo isla markaana ay xukuumaddu goleyaasha sharci-dejinta hor-gayso sharciyaddii lagu magacaabi lahaa Xubno cusub oo guddiga doorashooyinka loo xulo, ka hor inta aanay dalka ka qabsoomin doorashooyinku, arrintaas oo haddii laysla qaato sababi karta dib u dhac doorashada ku timaadda maadaama oo muddo koobani ka hadhsan tahay xilliga loo muddeeyey.

Xisbiga Waddani waxa uu daboolka ka qaaday inay aamisan yihiin inaanay xubnaha Guddiga Doorashooyinku xaaladda ay ku sugan yihiin ku qaban karin doorashooyinka, taas oo xisbigu u daliishaday muddo-xileedkooda dhammaadka ku dhow, balse waxa jira kalsooni-darro iyo tuhun ay qabaan inay xubnaha Guddiga Doorashooyinku u jan-jeedhaan dhinaca Xukuumadda iyo xisbigeeda.

Hadalka ka soo yeedhay Afhayeenka Xisbiga Waddani ee la xidhiidha sharciyadda ay ku fadhiyaan guddiga Doorashooyinku, ayaa noqonaysa markii labaad ee uu arrintan ka hadlo, waxaanu sidan oo kale muddo dhowr todobaad ka hor ah iftiimiyey mawqifka ay xisbi ahaan ka aamisan yihiin Guddiga Doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO HADALKA AFHAYEENKA WADDANI

Somalilandpost.net

info@somalilandpost.net