Xisbiga WADDANI oo Dr FADAL Dib ugu magacaabay Xilkii uu isaga Casilay Xubinimada Komishanka oo uu ku hungoobay

Xisbiga WADDANI oo Dr Maxamed Cismaan FADAL Dib ugu magacaabay Xilkii uu isaga Casilay Xubinimada Komishanka Doorashooyinka oo uu ku hungoobay

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa dib ugu magacaabay Dr Maxamed Cismaan Fadal Booska Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Xubinnimada Xisbiga, ka dib markii uu ku hungoobay inuu ka mid noqdo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo xisbigaasi u xushay inuu u metelo, ka hor intii aanu iska casilan xilkaas iyo xubinimada Waddani.

DR FADALDr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa xubnimada Xisbiga iyo Xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda oo uu u qaabilsanaa Waddani iska casilay laba todobaad horteed markii xisbigu u magacaabay xubinta Waddani u metelaysa Guddiga Doorashooyinka ee Cusub, haseyeeshee madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu u gubiyeen Afar xubnood oo ka tirsan Todobada Guddiga Doorashooyinka, ayaa Xisbiga Waddani dib ugu celiyey Xubinimada Dr Fadal kana codsaday Guddoomiyaha Waddani inuu soo magacaabo xubin kale, isaga oo diidmadiisa ku sababeeyey inuu yahay shakhsi ka tirsan Xisbiga Waddani.

Haddaba, hungadaas ka dib, Kulan hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani xaruntooda magaalada Hargeysa ku yeeshay todobaadkan, ayay kaga codsadeen Dr Fadal inuu ka noqdo is-casilaaddii uu kaga ruqsaystay Xubinimada Xisbiga, isla markaana uu dib u qabto xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee uu hore u hayey, taas oo Dr Fadal-na ka yeelay sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde.

DR

SOMALILANDPOST.NET