Xisbiga Waddani Oo Dib Ugala Noqday Gaadhi Ay Hore Ugu Deeqeen Urur Samo-fal

wilBurco, (SLpost)- Ururka samo-falka Midnimo oo ka hawl-gala gobolada bariga Somaliland ayaa eedayn culus u soo jeediyay Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, kadib markii uu ururkaasi ku qaanabay dibna uga ceshaday gaadhi Lancruiser ah oo hogaanka xisbigu hore ugu deeqay ururka.
Tallaabadan ayaa ka dambsay markii ururka Midnimo uu doortay hogaan cusub, isla markaana masuuliyiinta xisbiga Waddani ay u arkeen hogaanka Cusub mid aan taageersanayn mabaadida siyaasadeed ee Xisbigooda isla markaasna aanay danta xisbigooda dhex marsan karin.
Munaasibadda Xisbiga Waddani ay hore gaadhigani ugu wareejiyeen ururka Midnimo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ugu jira beelaha Bariga Burco, Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Xoghaya Arrimaha Siyaasadda Maxamuud Raage, Xoghayaha arrimaha Bulshadda Hinda Xirsi Gaani iyo Xoghaya Guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Saddexdani Masuul ayaa ka mid ahaa lafdhabartii ururka dhalinyaradda ee Midnimo u soo xeragalisay baabuurkani oo uu saamiga ugu badan Lacagtiisa bixiyay guddoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Masuuliyiinta ururka Midnimo ayaa sheegay in Xisbiga Waddani uu dib ula noqoshadda gaadhigaasi u wakiisheen Xoghaya guud ee golaha wakiiladda mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo xisbiga Waddani u saxeexay la noqoshadda Gaadhigaasi iyaddoo ay siddoo kale goob joog ka ahayd Xoghaya Arrimaha Bulshadda Hinda Xirsi Gaani.
Arrintani ayaa boog xanuun badan ku noqonaysa Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiinta Xisbigaasi ee ka soo jeeda Goboladda barriga Somaliland, oo aan taageero muuqda hore ugu lahayn deegaanadda ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan.