Xisbiga Waddani oo dhacdadii Dorraad ee Burco masuuliyadeeda dusha u saaray Xukuumadda, Markii u horreysayna Difaacay Guddomiyaha Xisbi Fiintu Dhexmiranayso

wadaniHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka Ciidamada Ammaanku u geystaan Shacabka, isla markaana Wasaaradda Arrimaha Gudaha dusha u saaray masuuliyadda dilkii iyo dhaawacii ciidamada RRU-du dorraad ka geysteen magaalada Burco, iyaga oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku tilmaamay inay dawladnimada ka aaminsan tahay Cabudhinta iyo dilka Shacabka.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa oo uu weheliyo Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta Sarsare ee Xisbiga oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa ay dhanka kale difaaceen kulanka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID dalka Ingiriiska kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka mid ah golihiisa Wasiirrada.

Afhayeenka Waddani oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, waxa uu si adag cambaareeyey dhacdadii dorraad ay ciidamada RRU-du dilka iyo dhaawaca ugu geysteen shacabka magaalada Burco, gaar ahaan shaqaaqadii dorraad ka dhalatay mudaharaad ay sameeyey gaadiidka iska-rogoyinka oo ka biyo-diiddanaa go’aan dawladda Hoose kaga mamnuucday inay Ciidda ka gurtaan Dooxda Burco.

Ibrahim Mahdi oo arrimahan ka hadlayaa, waxa uu yidhi, “Sida aad la wada socotaan beryahan waxaa soo noq-noqday dilal baahsan oo dhammaan dalka oo dhan qaybihiisa kala duwan ka dhacay, waxaad ka warhaysan shalay (doraad) in magaaladda Burco fal aad iyo aad u fool-xun uu ka dhacay oo aanu ku tilmaami karno in uu yahay aafo-qaran.Runtii beryahan dambe xukuumadda Somaliland ama hay’adaha amniga iyo wasaaradda arrimaha guduhu waxay caadaysteen in mushtacama bulshada cidkasta oo ka tirsan oo cabasho isugu soo baxdaa ay u adeegsato inay la dhacdo rasaas nool, taasoo dhaawac u geystay niyadii mushtacama iyo wadda jirkoodii.”

Afhayeenka Waddani waxa uu si guud uga hadlay tacaddiyo ciidamada Amnigu u geysteen shacabka, waxaanu yidhi, “Waxaad ka warhaysaan Lughaya laga soo bilaabo ilaa magaaladda Caynabo oo ugu dambaysay dilal baahsani ka dhaceen oo dhamaantood ciidamada amniga Somaliland ka tirsani ay ka qayb-qaateen qaarkoodna Milateriga laftigiisu uu lug ku lahaa sida tii ka dhacday magaaladda Saylac oo kale, waxaad ogtihiin oo aanu anigunna doonayna in aanu mar labaad halkan ka caddayno in wasiirka arrimah guduhu Somaliland mar uu golaha wakiiladda horjoogay oo la weydiiyey sababta keentay in hub nool loo adeegsado shacabka wuxuu ku jawaabay in dawladnimadda macnaheedu yahay wax la dilo, wax la xidho iyo wax la dalaacsiiyo, nasiib-darro ayaanu ku tilmaamaynaa, waxaanu leenahay waa aayan-darro inay xukuumaddu u fahanto inay macnaha dawladnimo tahay cabudhin iyo cago-juglayn ay mushtamaceega kula kacdo.”

Waxa kale oo uu ka hadlay, “Waxaase mushkilad ah oo maalin walba soo noq-noqonaysaa arrimaha noocaasi oo kala ah in dadka horyimaadan oo ay ku soo noq-noqdaan waa ayaan-darro masuuliyadeedanna ay iska leedahay xukuumadda taladda haysaa waxaad ka warhaysan oo aad la socoteen in maamulkii gobolka Togdheer iyo maayarkii magaaladda Burca-ba shilkan dhacay markii ay ka hadlayeen iyagoo aad uga naxsan inay tilmaameen in aanay meesha oolin wax RRU loogu yeedhay in aanay ogolayn wax xabad loogu jawaaba oo nimankii cabanayey iyo maamulkii degmadu ay is-afgarteen waddo-hadala u socoday ay ku war heleen rasaasta dushooda ka dhacay, waxayna ku tiraabeen oo ay sheegeen inay garan la’yihiin cida soo amartay iyo meesha laga soo maray ciidanka dadka xabada la dhacay waa nasiib-darro iyaga xil-baa saarran mushtamaca la’layey waa dadkii gobolka ay masuulka ka yihiin xilka saarani waxaa weeye inay ka daba tagaan oo aanay ka dabo hadhi cidaa falka kaasi gaystay soonna ogaadaan cida amarka siisay.Waxaanan xukuumad ugu baaqayna in guddi madaxbannaan u saarta dhacdada ka dhacday gobolka Togdheer,” ayuu yidhi Afhayeenka Waddani Ibraahim Mahdi Buubaa.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenkii hore ee ururka UMMADDA, immikana ka tirsan madaxda sare ee Xisbiga mucaaradka ee Waddani Cabdirashiid Maxamed Cali  oo ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa difaacay dhaliisha guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe loogu jeediyey kulanka todobaadkan ku dhexmaray magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Cabdirashiid oo arrimahan ka hadlaya, waxa uu yidhi, “Waxaynu maalintii dhawayd arkaynay Wasiirkii warfaafinta oo ka hadlaya kulan uu guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya oo iska ahayd salaan caadi ah oo aan waxba ku jabnayn. Waxaynu ogayn in wasiirka madaxtooyadu Xirsi uu Dubai kula kulmay wasiirka madaxtooyada ee Soomaaliya, wasiirka warfaafinta ee arrintani waaweynaynaya waxaanu weydinaynaa ma ka war hayaa waxaa ka dhacay Burco, dadka la laayay muxuu uga hadli waayey, waxay muujinaysa in xukuumad danaysato ah oo aan dalka iyo dadka u naxayni ina haysato xisbiyada UCID IYO WADDANI waxaan usoo jeedinaya inay iskaashadaan sidii dalka loo bad-baadin lahaa,” ayuu yidh Cabdirashiid Cali.

Hadalka difaacidda ah ee ka soo baxay masuul sare oo ka tirsan xisbiga WADANI ayaa ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah oo labada xisbi mucaarid oo markii hore khilaaf weyni u dhexeeyey ay u muuqdaan inay hadda iskaga soo dhawaanayaan xukuumadda, iyaga oo wakhtiyadii hore loo arkayey inay kaalintii mucaaradnimo gabeen.