Xisbiga WADDANI Oo Baaq Nabadeed Ka Soo-saaray Shaqaaqo Ka Dhacday Deegaanka Higlo Ee Buuhoodle

(SL.Post) Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magiciisa, kan xildhibaannada Golaha Wakiillada iyo weliba kan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDNANI wuxuu ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee dirirta colaadda ahi ku dhex martay deegaanka Higlo ee Buuhoodle in ay xaaladda cakiran ee dagaalka ah ku soo dabaalaan nabad iyo wada-noolaansho.

Waxaannu baaq u direynaa Xukuumadda Somaliland, Golaha Guurtida Somaliland, Madax-dhaqameedka, cuqaasha iyo 201-garadka guud ahaan reer Somaliland iyo gaar ahaan kuwa labada dhinacba inay colaaddan ka gurmadaan, isla markaana loo soo afjaro, lana soo celiyo wada-noolaanshaha iyo in sidii innoo dhaqanka ahayd xaaladda aynu ku soo dabbaalno wada-hadal iyo walaalnimo.

Somalilandpost.net