Cali Warancadde oo loo Magacaabay Gud. Gud. Hoosaadka Siyaasadda Xisbiga UDUB

Cali Maxamed Waran-cadde

Hargeysa, (SlPost): Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB ahna ku simaha guddoomiyaha ee xisbigaas, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa u magacaabay Cali Maxamed Warancade Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka siyaasadda ee xisbigaas, waxaana magacaabista Cali Maxamed Warancade lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga oo uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Guddoomiyaha xisbigaas ahna Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo nuqul ka mid ahii soo gaadhay SomalilandPost. Haddaba warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-

 “Waxaan idin Ogeysiinayaa inaan u magacaabay Md. Cali Maxamed Waracade maanta taariikhda kor ku xusan laga bilaabo inuu yahay Guddoomiyaha Guddi-Hoosaadka Siyaasadda ee Xisbiga UDUB.

Waxaan kalsooni ku qabaa inuu hawshaa ku habboon yahay kaalinteedana ka soo bixi doono.

Waxaan haddaba mudanayaal idinka rajaynayaa inaad xilkaa kula shaqaysaan.

Allaa Mahad Leh

Axmed Yussuf Yassin

K/S Guddoomiyahay Xisbiga UDUB

Xilkan loo dhiibay Cali Maxamed Warancade, wasiirkii hore ee wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka ee xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ahaa mid uu hayay Alle naxariistii jano ha ka waraabiyee Marxuum Yuusuf Ciise Tallaabo oo isagu dhawaan ku geeriyooday dalka Kenya laguna aasay Magaaladda Hargeysa.