Xisbiga UCID oo Xukuumadda uga digay Faro-gelin siyaasadeed iyo Carqaladayn ay kula kacdo Shirka HOODAALE ee Beelweynta Sacad Muuse

Abdi-M.SaleimanMingisteHargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay faragelinta siyaasadeed ka deyso Shirka HODAALE ee beelweynta Sacad Muuse uga furmaya degmada Agabar ee Gobolka Gabiley.

Xisbiga UCID waxa uu si weyn u soo dhaweeyey qabsoomidda shirkaas oo ay ku tilmaameen mid wanaag iyo isu soo dhawaansho u horseeda beelaha kale ee ku dhaqan Somaliland, isla markaana shirkaasi la mid yahay shirarkii ay qabsadeen beelaha kale ee ku dhaqan Somaliland.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghaya Arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID, kaas oo qornaa sidan:-

“Waxaa mudan in marka hore aanu halkan salaan  uga soo gudbino  guud Shacabka qaaliga ah ee reer Somaliland ,meelkastoo ay joogaan dibada iyo gudahaba.Salaan ka dib waxaanu  aaminsan nahay in  Shacabka reer Somaliland  ay  masuul ka yihiin   ilaalin —-adkeeyan nabada –wada tashiga iyo horumarka guud  ee dalka Somaliland.

Sidaa daraadeen Xisbiga Daryeel iyo Cadaalada(UCID),wuxuu   halkan ku cadeynayaa :-

1. Waxaanu si buuxda u soo dhoweynayaa,una taageeraynaa  Xisbi ahaan Shirka Beesha Sacad –Muuse ,ee loo bixiyey « Hoodaale »,kaas oo la qorsheeyey in uu  ka furmo  doono  degmada Agabar ,ee gobolka Gabilay 18.08.2013.

2. Xisbiga UCID,wuxuu u arkaa shirkaas mid  ay xaq u leeyihiin Beeshu,danaha u gaarka ahna ay  Beeshu,kaga tashanayso.Waa u ducaynaynaa in uu ugu qabsoomo,uguna dhamaado nabad gelyo, warka ka soo baxaana uu noqdo mid Beesha ,Beelaha kale iyo guud ahaan Somaliland waxtara.

3.  Xisbiga UCID,wuxuu ku baaqayaa in shirka la daayo fara-gelinta carqaladeynta . Waa xaqiiqa in ay Beeshu xaq u leedahay in ay danaheeda ka shirto sidii Beelaha kaleba uga shireen danahooda,ugana shirdoonaan mustaqbalka.”

ALLAA   MAHAD   LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.