Xisbiga UCID oo tacsi u diray Geerida Marxuum Eng Yuusuf Warsame Siciid

tacsiGudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Murashaxa Madaxweynaha , Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka ee Xisbiga UCID, Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Taageerayaasha   Xisbiga UCID waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Maayorkii Caasimada Hargeysa Eng, Yuusuf Warsame Siciid oo Habeenkii Xalay Ku Geeriyooday Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu Marxuumka ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanadna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, gaar ahaan Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay marxuumku.

Aamiin                                                   Aamiin                                             Aamiin

 

Agaasimaha Guud ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga UCID

Dr, Jaamac Axmed Saalax