Xisbiga UCID oo taageero u muujiyey Rabitaanka Dhalinyarada ee ka Qayb-galka Siyaasadda Dalka

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa taageero weyn u muujiyey rabitaanka dhalinyarada ee ka qayb galka siyaasadda iyo talada dalka.

Waxa sidaas lagu  sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay ku simaha afhayeenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash), waxaanu warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan:

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxaa uu si buuxda u taageersan yahay dedaalka da’yarta JSL ku rabaan inay kaga qayb qaataan tallada iyo hoggaaminta dalkeena JSL. Waxaa xasuus mudan in Xisbiga UCID uu ilaa bilawgiisii taageersanaa kobcinta iyo horumarinta da’yarta iyo ka qaybgalinta nidaamka siyaasadeed. Xisbiga UCID barnaamijkiisa iyo mabaa’didiisa siyaasadeed waxaa gundhig u ah kobcinta iyo horumarinta muwaadiniinta si looga midho-dhaliyo yoolalka qaran ee dalka taas oo ay gundhig u tahay hawl-galinta xooga iyo xikmada dhallinyaradda.

Xisbiga UCID ballanqaadyadiisii waxaa ka mid ahaayeen in Doorashada Dawladaha Hoose lagaga qayb-gali karo 25-jir iyadoo la furayo dabarada qaanuun ee dhallinyaradda ka hortaagan inay goleyaasha deegaanka ka qayb galaan. Haddaba iyadoo taas laga duulayo, X/UCID waxaa uu si buuxda u taageerayaa in wax-ka-beddel lagu sameeyo Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka (Xeer Lam. 20/2001) iyadoo dhallinyaradda loogu ogolaanayo 25-jir inay kaga qayb-gali karaan tartanka doorashooyinka dawladaha hoose.

Ugu dambeyn waxa aannu Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo Xukuumadaba ugu baaqaynaa in la garab istaago damaca dhallinteena isla markaana jiilka cusub lagu layliyo hoggaaminta, maamul-wadaaga iyo qaran dhiska si mustaqbalka barito ay dalkan iyo dadkan aayahooga ula wareegaan uguna daadihiyaan jihada saxda ah.”

 Somalilandpost.net

Contact [at] somalilandpost.net