Xisbiga UCID oo taageerayaashiisa gobolka Maroodijeex ku wargeliyey ka qayb-galka Mudaharaad Salmi ahi oo xilliga uu dhacayo ay ku beegeen Xus Caalami ah oo todobaadkan Dhacaya

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga UCID oo taageerayaashiisa gobolka Maroodijeex ku wargeliyey ka qayb-galka Mudaharaad Salmi ahi oo xilliga uu dhacayo ay ku beegeen Xus Caalami ah oo todobaadkan Dhacaya

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha u gudbiyey Qoraal ay ku dalbanayaan in loo fasaxo Banaan-bax Salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan Cabudhinta ay Xukumaddu ku hayso Xisbiyada mucaaradka ah iyo Saxaafada Madaxbaan, waxayna sheegen in bannaan baxoodu ku beegan yahay 10-ka bisha oo ah Xuska Maalinta Xuquuqal insaanka Adduunka

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha War-faafinta ee Xisbiya UCID, ayaa u sheegay in wasaaradda Arrimaha guduhu ka qabtay qoraalkaasi Codsiga ah.

Qoraalka ka soo baxay Xisbiga UCID oo lagu soo lifaaqay war-qadda ay u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost, ayaa u dhignaa sidan:-

Ujeedo: War Galin Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Maroodi Jeex

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeeka Ucid Waxaa Uu Ku War galinayaa Dhamaan Taageerayaashiisa Iyo Cidkasta Oo Daneyneysa Xoriyatul Qawlka Saxaafada Jamuuriyada Somaliland In Ay Nagala Soo QaybGasho Banaan Bax Salmiya Oo Ku Beegan Xuska Maalinta Caalamiga Ah Ee XUQUUQUL INSAANKA (Salaasa) 10-12-2013

Banaan Baxan Oo Ah Mid Muwaadinkastaa Xaq Dastuuriya U leeyahey

GUDIDA QABAN QAABADA EE XISBIGA UCID

  1. Cabdi Maxamud Saleebaan (Xoghayaha Arimaha Gudaha Iyo Xidhiidhka Gobolada )
  2. Faysal Abiib Gudhane           (Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex)
  3. Yusuf Keyse A/laahi               (Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid
  4. Faadumo Siciid Ibraahim       (Xoghayaha Maaliyada
  5. Xaliimo Cismaan Raage         (Gudomiyaha Garabka Haweenka
  6. Xasan Saleebaan Aaden         ( Xubin Golaha Dhexe
  7. C/raxmaan Axmed Cali             (Xoghayaha Arimaha Bulshada
  8. Maxamed Cali Muuse Jiir  (Xoghayaha Ciyaaraha
  9. Ismaaciil Cabdi Ismaaciil   (Gudoomiyaha Abaabulka
  10. Sahra Xirsi Budul                (Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Haweenka

FADLAN HOOS KA EEGA LIFAAQA CODSIGA MUDAHARAADKA EE WASAARADU NAGA QABATEY

Wasaarda Arimaha Gudha Oo Naga Qabatey Warqadan