Xisbiga UCID oo soo bandhigay Natiijooyin uga soo baxay Kulankii ay ku Qaabileen Oday-dhaqameedka Soomaaliya

ucidHargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa soo bandhigay nuxurka arrimo qarsoonaa oo ay sheegeen inay ku lammaan yihiin ujeeddada socdaalka odayaasha dhaqanka Soomaaliya ku joogaan Somaliland.

Guddida fullinta xisbiga UCID iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa ka dooday shir ay odayaasha Soomaaliya la yeesheen toddobaadkan, iyadoo xisbigu tilmaamay in odayaashaasi u socdaan arrimo siyaasadeed oo sida ay iftiimiyeen dawladda Turkigu dabada ka riixayso.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID, ahna ku-simaha Xoghayaha Guud Mr. Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo laga soo saaray kulanka ay yeesheen, ayaa lagu sheegay in weftiga Soomaaliya ka socda aannu ahayn mid madaxdhaqameed ku kooban, balse ay la socdaan siyaasiyiin, ganacsato iyo saraakiil kala duwan, safarkoodana ay ka dambeeyaan dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxaannu ku caddaynayaa war-saxaafadeedkan wixii ka soo dhex baxay la kulanka odayaasha ka socda Soomaaliya, dood dheer iyo fallanqayn kadib, waxaannu bulshada Somaliland u soo bandhigaynaa qoddobadan;

1.   Sida ay noo sheegeen Odayaashu, u jeeddada socdaalkoodu wuxuu daarnaa oo ay ku sheegeen fadhigii aanu la yeelanay inay u socdeen is-dhexgal bulsheed.

• Waxaanu u aragnay qoddobkaa ka xisbi ahaan in iyadoo bulshadu awal ba isku dhex jirtay oo aanay kala maqnayn, una macaamisho sida laba dawladood oo jaar ah, in uu yahay qoddobkani mid siyaasadaysan oo daba socda qoddobada heshiiska Turkiga, kaas oo ka hor imanaya qaddiyada iyo rabitaanka shacbiga reer Somaliland.

2.   Odayaashu waxay noo sheegeen in ay yihiin Madaxdhaqameed Soomaaliya oo dhan ka Kooban, una socdaan arrin dhaqan.

•   Waxa aanu ogaanay in aanay ahayn Madax-dhaqameed keliya ee ay isugu jiraan siyaasiyiin hore, saraakiil, aqoonyahan, ganacsato iyo Madax-dhaqameed.

• Waxa kale oo aanu ogaanay in uu jiro qorshe u gaar ah oo qarsoon.

3. Waxa intaa dheer oo ay odayaashu noo sheegeen in ay u socdaan in ay wax ka bartaan habkii nabadaynta Somaliland ay ku gaadhay iyo qaabkii ay ugu hirgashay dib-u- dhiska dawladnimada Somaliland, doonayaana inay Somaliland gacan ka gaysato nabadaynta dalka Soomaaliya.

• Waxa aanu ku xidhnay shuruud ah in ay marka hore qiraan xasuuqii iyo tacadigii loo gaystay shacbiga reer Somaliland, isla markaana ay qiraan, aqoonsadaan, Icitriaafaanna madaxbannaanida, jirritaanka iyo qaranimada Somaliland, ixtiraamaana gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

4. Waxa ay noo sheegeen Odayaashu in ay iskood isu xilqaameen, isku soo abaabuleen, cid ka dambaysaana aanay jirin safarkooda.

• Xisbiga UCID, waxa uu ogaaday in Xukuumada Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ka dambaysay ambabaxooda iyo safarkooda ay ku yimaadeen Somaliland, xukuumada Turkiguna ay gacan weyn ku leedahay.

Soo jeedin:

Xisbiga Caddalada iyo Daryeelka UCID, markii uu arkay waxa ay la socdeen odayaasha ka yimi Soomaaliya, waxa uu ummadda reer Somaliland u soo jeedinayaa qodobadan soo socda:

1. In Xukuumadda Somaliland ay caddayso mawqifkeeda dhabta ah ee ku wajahan imaatinka odayaasha ka yimi Soomaaliya,

2. In aan ummadda iyo shicibka reer Somaliland lagu jahwareerin mashruuc khatar galin kara, laguna majarahabaabinayo jirritaanka qaddiyada iyo madaxbannaanida Somaliland.

3. Waxa aanu cod gaaban iyo cod dheer ba ku sheegaynaa in qaddiyada Somaliland ay tahay lama taabtaan, isla markaana tahay qadiyad shacbi.

4.   In wadahaddaladii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyay aan loo beddelin is-dhexgal shacbi oo siyaasadaysan, oo ay ku ekaato labada Dawladood.

5. Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, waxa uu caddaynayaa in uu ka soo horjeedo wax wal oo lidi ku ah qaranimada, midnimada iyo jirritaanka Somaliland.

6. Xisbiga UCID waxa uu soo jeedinayaa in la joojiyo kulamada odayaasha Soomaaliya la yeelanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland,” sidaa ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xisbiga UCID.

 

SOMALILANDPOST.NET