Xisbiga UCID oo soo Bandhigay Fadeexado la xidhiidha Heshiisyo Qarsoodi ah oo Xukuumaddu la gashay Shirkado Ajaanib ah

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa ku cambaareeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo heshiisyo ay sheegeen inay si qarsoodi ah ula saxeexdaan shirkado laga leeyahay waddamo shisheeye oo qandaraas lagu siiyey xaalufinta khayraadka badda Somaliland.

Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID Mr. Cabdillaahi Cumar Xuseen (Shaqalle), ayaa qoraal uu soo saaray shalay ku sheegay in shirkadaha xukuumaddu la gasho heshiisyada dhinaca khayraadka badda ah ay yihiin qaar aan sax ahayn oo dhibaato u gaysta khayraadka dalka.

ucid_kheyraadka badda“Waxaan halkan cambarayn uga dirayaa madaxda Somaliland oo aan leeyahay ha laga daayo sida qarsoodiga ah ee heshiisyadda loola galayo shirkadaha tuugta ah ee khayraadka dekedaha iyo badaheenna xaalufinaya, waayo hore ayeynu u soo aragnay qaar hore si qaldan looga saxeexday, wixii ay ku dhammaatayna waad ogtihiin. Waxa la yidhi wixii qalad lagu galaa qalad ayey ku dhammaaan, waxayna khatar ku tahay dadka iyo degaanka ku nool badda gudeheeda iyo berrigeeda.

Waxa kaloo aynu ognahay khatartii ka dhalatay suntii lagu shubay baddaha, taas oo ilaa hadda ay socoto dhibteedu.

Waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa inay ka foojignadaan arrimaha hadda ka socda xukuumadda KULMIYE oo wasirradeedu heshiisyada la galayaan dawladaha aynu jaarka nahay, iyada oo aan baarlamaanka la soo marin, waxaanan leeyahay wixii heshiisyo ah waa in la horgeyo Golaha Wakiillada si uu u noqdo wax sharciga waafaqsan,” ayuu Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee UCID ku yidhi qoraalkiisa.

Masuulkan oo xilka uu hayo loo magacaabay 12 July 2014 wax faahfaahin dheeraad ah kama bixin noocyada dhibaatooyinka uu sheegay in lagu hayo badda Somaliland iyo magacyada shirkadaha xukuumaddu la gashay heshiisyada uu tilmaamay in lagu xaalufinayo khayraadka badda.

SOMALILANDPOST.NET