Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag cambaareeyey weerar uu nin dhalinyaro ahi todobaadkan ku qaaday xildhibaan Abawaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac-Riyo) oo dhowaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u tiriyey maanso la baxday ‘Soo Daata’ oo u ku daray Maamulka xukuumaddiisa.
Xisbiga UCID waxa uu masuuliyadda Weerarkaas lagu qaaday Xildhibaan Jaamac-Riyo ku eedeeyey Laanta Dambi-baadhista Ciidanka Booliska ee CID oo ay sheegeen inuu ka tirsan yahay ciidankaas.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexanyahay guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee Xisbiga UCID Faysal Abiib Gudhane, waxaanu isaga oo dhammaystiran u qornaa sidan: “Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Waxaa Uu War-Saxaafadeedkan Ku Canbaareynayaa Dhaawaca Iyo Tacadiga Loo Geystey Xildhibaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo ) oo golaha Guurtida Somaliland ka tirsan oo maalintii shalay si baadheedh ah loogu weeraray Afaafka Hore Ee Golaha Guurtida ee Somaliland halkaasi oo sida Xildhibaanka iyo dadkii halkaasi ku sugnaayeenba sheegeen nin Ciidanka CID-da ka tirsani Uu Mudane-aha si badheedh ah uu ku faro saaray,
Xildhibaan Abwaan Jaamac Faarax Axmed (Jaamac Riyo) sida aynu og nahay waa Xildhiibaaan umaddu Igmatey, isla markaana ah Abwaan mu alif ah oo suugaanta ku caan ah,waxana Xukuumaddu dhibsatay Gabayo uu Abwaanku sameeyo oo xaaladdaha taagan iyo dareenkiisa ku cabiro taas oo ah mid uu xaq u leeyahay sameynteeda.
Hadaba waxa uu Xisbiga Cadaaldda iyo Daryeelka UCID uu cod dheer ku canbaaraynayaa falka mudane Abwaan Jaamac riyo sida badheedhka ah Ninka loo adeegsaday kula kacey isla markaana waxa ay Taliyaha Ciidanka Bileyska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan u soo jeedinayaan in uu si deg dega uga jawaabo una soo qabto ninka la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidanka CID-da oo hadii ay arintaasi jirto Ciidanka Amniga Sumcad daro weyn ku ah maadama oo Golaha Guurtida Hortiisa uu falkani ka dhacay taas oo sawir xun iyo dhiiri gelin faldanbiyeed ku ah Amniga qaranka.
Ugu danbeyntii Xisbiga UCID waxa uu mar labaad iyo mar saddexaadba Canbaaraynayaa falkaasi amni darada ka turjumayay ee weerarka lagu la kacay Abwaan Jaamac Faarax Axmed Riyo oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland waxana aynu og nahay iyada oo ilaa hada aan waxba laga qaban weerarkii kan ka horeeyay ee lagula kacay Xidlhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland oo isna fal isku day dil ah magaaladda isaga oo maraya loogu geystay ilaa hadana wax laga qaban iyo Falkii Wargeyska Hubaal oo isna Rag Asgarta Ciidanka Amniga ka tirsani weerar kula ka ceen horaantii Sanadkii hore imikna waliba Xayiraad sharci daro ah loogu daray,marka waxa aanu falalkaasi isa soo taraya ee amniga Somaliland lidiga ku ah Isla markaana Gawrac Ku Ah Xoriyotul Qawlkii Qarankani Ku Soo Caano Maaley Sadexdii Dawladood Ka Horeeyey Dawladan Axmed Siillaanyo Gadhwadeenka Ka Yahey.”
SOMALILANDPOST.NET