Xisbiga UCID oo saheegay in xubnaha Qurbo-joogga ah ee iska Casilay aanay saamayn ku yeelanayn taageeradii Xisbiga

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa sheegay in bishii July ee la soo dhaafay ay shaqadii ka joojiyeen wakiiladii gobolada dalka iyo dalalka dibada.

“Waxaanu dhamaan ogaysiinaynaa xubnayaasha xisbiga UCID iyo taageerayaashaaba meel kasta oo ay joogaanba in xisbiga lagu hayay dib u habayn laga bilaabo bishii julay ee 2010-kii ,markaasna bishii January 31 keedii in la go’aansaday in shaqooyinka laga wada joojiyo dhamaan madaxda laamaha dibada iyo madaxda gobolada dalka,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu Xogahaya warfaafinta ee Xisbiga UCID C/Naasir Yuusuf Cismaan uu caawa soo saaray.

Waxa kale oo war-saxaafadeedkaasi lagu sheegay in xubno aan xil u haynin Xisbigu ay sheegteen inay is casileen.

“Waxay bilaabeen shakhsiyaadkii faro ku tiriska ahaa ee hore looga qaaday xilalka kana qayb qaatay shirqoolkii lala damacsanaa in lagu burburiyo xisbiga UCID inay Saxaafada siiyaan qoraalo been ah oo ay isku casilayaan iyagoo aan xisbiga xilba ka haynin,”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaas.

“Waxaanu u sheegaynaa shacbi weynaha reer Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga UCID meelka kasta oo ay joogaanba in aanay shakhsiyaadkaasi xisbiga dan u ahayn xisbiguna aanu waxba u noqonayn, kana raysan doono xilalka laga qadayna insha allaahu dad karti leh oo daacad ahi buuxin doonaan,”ayuu tilmaamay warkaasi.

Qoraalka UCID waxay ku doodeen in is casilaada xubno ka mid ah Wakiiladii dibadu aanay waxba u dhimayn taageeradii Xisbiga.

“Talaabadaasina aanay taageradii shacbi weynaha reer soomaliland xisbiga UCID iyo gudoomiyahba ay u hayeen aanay waxba u dhimayn, iyo sharaftii sumcadii xisbigu lahaaba. waana iska caado ciddii ku guuldaraysata xumaan ay wadeen inay iska dhigaan dad sharaf lahaa,”ayaa lagu soo gabo-gabeeyay war-saxaafadeedkaasi.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net