Xisbiga UCID oo Munaasibad bilan ku soo bandhigay Murrashaxiin Deegaankoodu soo xulay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, xubno kamida hoggaanka sare ee xisbigaasi iyo boqolaal taageerayaal ah ayaa ka qaybgalay munaasibad ay murashaxnimadooda ku shaaciyeen Maxamed Xasan Siciid oo gobolka Maroodi-jeex uga tartamaya Doorashada Golaha Wakiillada iyo Maxamuud Xuseen Faarax (Cadaani) oo isna u taagan tartanka Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

Munaasibadda oo Arbacadii maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayey deegaanka labada Murrashax soo xulay si heer sare ah ugu foolladeeyeen, iyagoo halkaas ku soo bandhigay codka iyo cududda ay la garab joogaan murrashaxiintan iyo taageerada xisbigaba.

Madaxdhaqameedyo, Cuqaal, waxgarad, aqoonyahan iyo siyaasiyiin isugu jira Rag iyo haween xafladaasi ugu horayn ka hadlay, ayaa ka waramay taariikhda iyo tayada labada xubnood ee ay u sharaxeen tartanka Doorashada, waxaanay sheegeen in ay yihiin tartameyaal ay ka soo tashadeen, soona shirabeen aqoontooda, kartidooda iyo waaya-aragnimadooda masuuliyaddeed.

Madax-dhaqameedka iyo hormuudka kale ee madasha ka hadlay ayaa intaasi ku daray in ay si buuxda uga mid noqdeen bah-weynta xisbiga UCID oo ay madaxdiisa goobta fadhiday ka dalbadeen cadaalad iyo in ay doorkooda siyaasaddeed ku yeeshaan, iyagoo muujiyey dareen digo-rogasho oo salka ku haya isbedellada geedi-socodka Siyaasadda iyo Doorashooyinka dalka.

Maxamed Xasan Siciid iyo Maxamuud Xuseen Faarax, labada murrashax ee munaasibada lagu shaaciyey oo halkaasi ka hadlay, ayaa ka waramay barmaamujyadooda wax-qabad ee qorshaha ugu jira haddii ay ku guulaystaan Doorashada. “Anigu waxaan bartay Sharciga, haddii aan ku guulaysto waxaan iswaafajin doonaa shuruucda isbarbar yaacaya ee garsoorka lagaga shaqeeyo”ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.

Maxamuud Xuseen Faarax, ayaa isaguna sheegay “waanu arkaynaa iminkaba waxa gol-daloollooyin inoo muuqda, waddooyinka burburay, Tiinka ku baxay magaalada iyo baahiyaha yaalla, intii aanu jirnayna waan soo shaqaynaynay, hadday halgankii tahay iyo hadday dib-u-dhiskii dalka tahayba”ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo gebagebadii xaflada ka hadlay, ayaa ka waramay aqoonta shakhsi ee uu u leeyahay xubnaha murrashaxiinta, isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dadka loo baahan yahay in tamartooda iyo aqoontooda looga faa’ideeyo Qaranka.

Guddoomiye Faysal, ayaa sidoo kale deegaanka ay ka soo jeedaan labada murrashax ku sifeeyey bulsho karaamo iyo tix-gelin ku leh Qaranka, kana soo qayb-qaadatay halgankii dib-u-xoreynta dalka.

Eng Faysal waxa uu sheegay in labadan murrashax loo keenay xilli uu xidhmay Liiska Murrashaxiinta Xisbigu, hase yeeshee uu ku khasbanaaday in uu aqbalo oo uu cid kale uga saaro liiska, xurmada iyo qadarinta uu beesha u hayo dartood.

Maxamed Xasan Siciid oo ah murrashaxa u tartamaya Golaha Wakiillada, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumaddii Axmed Siilaanyo, taasoo laba jeer ka noqday Agaasime guud iyo danjire Dalka Itoobiya u fadhiyey Somaliland, halka Murrashaxa Golaha Deegaanka Maxamuud Xuseen Faarax uu isaguna wakhti dheer ka shaqaynayey Xafiisyada Dawladda oo uu ka gaadhay La-taliye sare, isagoo markii u dambeysay noqday Maareeye ku-xigeenka Telefishanka Qaranka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net