Xisbiga UCID oo masuuliyiin Cusub u magacaabay Gobolka Togdheer

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Guddi cusub oo hawlaha Xisbiga qaabilsan u  magacaabay Gobolka Togdheer, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda iyo Xidhiidhka gobollada ee Xisbiga  Xusen Xasan Badmaax.
Warsaxaafadeedkan oo lagu socodsiiyey guddoomiyaha Cusub ee Xisbigu u magacowday gobolka iyo Guddoomiyihii hore ee xisbiga isla markaana la ogeysiinayo Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka ayaa u dhignaa sidan:

“Ka dib markaanu eegnay xeerka xisbiga UCID kaas oo dhigaya in la buxiyo xubnaha lagu badelay wareegtadii 31 January 2011 ee xilka lagaga joojiyey dhamaan Gudoomiyayaasha Gogolada ee Xisgiba UCID.
Ka dib markaanu wada tashi la yeelanay xubnaha G/Dhexe iyo Xubnaha Xisbiga ee Gobolka Togdheer waxanu isla qaadanay in gudi cusub ,loo magacaabo gobolka taso ku salaysan dib u habaynti mamuulka G/Togdheer ee xisbiga UCID.
Waxa uu xisbigu go’aamiyey in dhamaan qalabkii, agabkii iyo gadhiga numberkisu yahay No: 22283  inlagu wareejiyo Gudoomiyaha cusub ee gobolkaa Togdheer ee xisbiga UCID

Gudoomiye: Cismaan Ismaciil Yusuf

Waxanu uu magacawnay gudida G/Togdheer ee xisbiga UCID xubnahan hoos ku qoran
-Maxamed Gudi Maxamed wakiilka Gobolada bariga ee Xisbiga UCID
-Cismaan Ismaciil Yusuf Gudoomiyaha G/Togdheer
-Khaddar Maxamed Xirsi G/ku xigeenka G/Togdheer
-Xasan Maxamed Yasiin (af duub) Xoghayaha G/Togdheer
Waxaanu dhamaan Gobolada bariga ogaysiinayna in ay hoos imanayaan wakilka xisbiga ee Gobalada bariga (Togdheer,Sanaag iyo Sool).
Sida awgeed Waxaanu mar labaad si sharaf iyo xushmad  leh idinka codsnayna in aydun u fududaysan Gudoomiyah iyo Gudida kor ku xusan hawlahooda shaqo.”

Somalilandpost.net

contac@somalilandpost.net