UCID oo Masuul Saaxadda Siyaasadda ku cusub u magacaabay Xoghayaha Arrimaha Debedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Xisbiga

ucidStockholm (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Xoghayaha Arrimaha Debedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah u magacaabay Yusuf Isaak Budle oo ah Aqoonyahan ku nool magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID Axmed Aden Ismaaciil (Keyse), ayaa lagu shaaciyey magacaabista masuulkan oo la xusay inuu kaalin muhiim ah ka qaadan doono Siyaasadda iyo Xidhiidhka Arrimaha Debedda ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

War-saxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Waxa farxad weyn noo ah in wada tashi dheer ka dib la isla qaatay in laguu magacaabo Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid (Shadow Foreign Secretary and International Relationship of Ucid Political Party).   Waxa aan kalsooni buuxda ku qabnaa in aad si habsami leh u fulin doonto una hirgelin doonto siyaasadda arrimaha debedda ee Xisbiga Ucid iyada oo aanu rumeysanahay in  aad wax weyn ka tari doonta sidii xisbigu ula yeelan lahaa xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhow dalalka iyo siyaasiyiinta daneeya arrimaha Somaliland.

 Mudane Budle, waxa kale oo aan kula socodsiineynaa in dhawaan la soo saari doono dhismaha iyo magacyadda xubnaha guddiyadda Xisbiga Ucid ee Waqooyiga Mareykanka (North America).  Waxa kale oo iyana xisbigu ku talo jiraa in uu sameey Guddida Arrimaha Debeda oo noqon doonta mid heer qaran ah. Waxa laga yaabaa in arrimahaasi oo dhami ay sahli doonaan sidii xisbigu uga midho dhalan lahaa higsigiisa siyaasadiisa arrimaha debeda iyo siyaasadda uu xisbigu ka leeyhay dalka Markeynkan,

 Waxa xubnaha Xisbiga Ucid ee Laamaha Debeda,marka la soo dhameystiro,  ay xidhiidh wada shaqeyn oo toos ah la yeelan doonaan Xoghayaha Arrimaha Debada iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga Ucid sida uu sheegaayo Xeerka Xisbiga Ucid.  Waxa aanan ku rajo weynahay in aad sameyn doontaan xidhiidh wada shaqeyn oo fiiican.

Allah Mahad Leh

Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid

Stockholm