Xisbiga UCID oo Ka Hadlay Derejooyinka Ciidamada la Siiyey, xukuumadda-na u Jeediyey baaq Ka Dhan Xuska Maalinta 2-da February

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo dhaweeyay derejooyinka madaxweynuhu shalay ku taxay Saraakiisha u sarraysa ciidamada kala duwan ee Somaliland, iyaga oo ku tilmaamay talaabo horumarka leh.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) oo sidoo kale xukuumadda ugu baaqay in maalinta xuska Aasaaska Ciidamada Qaranka ee 2-da February, loo aqoonsida maalinta Hub-ka-dhigista Somaliland.

War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan:-

mujaahid-cali-guray“Marka hore talaabada ay xukuumadu qaaday ee hirgelinta derejada ciidamada Somaliland Xisbiga UCID wuu soo dhawaynayaa. Waa talaabo aan hore loogu dhiiran. hadii sida ay dadka qaar qabaan ama ka baqayaan ay wax ka qaldan yahiin  ama aanay wada sax ahayn waxa aanu u aragnaa kolay ba in ay tahay tallaabo loo qaaday dhinacii saxa ahaa.

Sagaal iyo toban sanadood ayaa ka soo wareegay markii ay xoogagii ugu horeeyay Ciidankii Xoraynta EE SNM ay dhamaan hubkoodii waawaynaa ku wareejiyeen gacanta dawladda Somaliland. Waxay ahayd 1dii bisha February 1994kii markii guutadii ugu horeysay –Gt 10aad- ay hubkeedii dawladda gacanta u gelisay,.taas oo keentay in intii kale na ku dayato oo si is daba joog ah ugu dhiiradeen in ay hubkooda ku wareejiyaan dawladda.

Hub dhigiistii xoogaga SNM iyo dhamaan maleeshiyooyinkii beelaha waxa dunida looga yaqaan “ MUCJISADA SOMALILAND”, waayo waxa ilaa iyo hadda aan dad badani fahmi Karin sidii ay Inoogu suurto gashay, iyada oo la ogyahay in bulshada caalamku gacmaha ka laabteen  oo aanay wax ba inaga tarin.

Xukuumadaha kala dembeeyay ee Somaliland waxay hub dhigista ka dhigtaan wax ay ku faanaan marka Somaliland ay uga xog waramayaan cid shisheeye ah. Lakiin 19 sanadood mar keliya lama xusin hub-dhigistii oo ay nu wada ognahay qiimaha ay ugu fadhido geedi socodka qaran dhiska Somaliland

Sidaa darteed, Xisbiga Caddaaladda Iyo Daryeelka (UCID) waxa uu Somaliland ku baraarujinayaa in bisha February la xuso hub ka dhigistii kooxaha hubaysan iyada oo 1da bisha February na loo aqoonsado MAALINTII HUB DHIGISTA SOMALILAND.”

SOMALILANDPOST.NET