Xisbiga UCID oo Dhalleecayn u jeediyey Guddoomiyaha Wakiillada isla markaana aanu metelin xubinimada Xisbiga ee G. Wakiillada

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa dhalleecayn u jeediyey guddoomiyaha Golaha wakiillada isla markaana aqbalay is-casilaaddiisii xubinimada Xisbiga.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uu ku gudo jiro hawl-gal uu ku burburinayo xisbiga UCID isla markaana aanu ka mid ahayn xisbiga UCID, xubinimadii golaha wakiilada ee xisbiga uga soo baxayna aanay waxba ka jirin.

Warsaxaafadeedka ku aaddan Mr. Cirro ayaa u dhignaa sidan:

“Sida aynu la wado socono waxaa cad in uu qandaraas ku qaatay  Gudoomiyaha  Golaha Wakiilad mudane:Abdirahmaan Cirro in uu burburiyo Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID  iyadoo ay ka markhaati kacayso  go’aanki qayrul shacriga ahaa ee isaga iyo aadan mire waqaf ay bishii 24  july 2011 ay ku sheegteen in ay rideen hogaanki sharciga ahaa ee xisbiga iyadoo waliba ay  xukumaduna  u xidhay dhamaan xafiisyadii xisbiga qaranka ee UCID iyadoo  uu isla markaana uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku  xisbiga UCID  ka diiday  in uu dacawad ku oogo cidii lacagta xisbiga sida sharci darada ah ula baxday .

Hadaba iyadoo aanu  u mahadnaqayno  maxkamada sare ee go’aamisay  go;aankii xaqa ahaa ee 11 Sebt 2011 daaqadana ka tuurtay  go’aankoodi sharci darada ahaa.

Ayaa waxa uu gudoomiyaha Wakiilada  Mudane:Abdirahmaan Cirro wali wadaa  dagaal iyo dacaayado  uu ka fidanayo xisbiga UCID  isagoo bishan  lixdeedii ku dhawaaqay  in uu sameeynayo  urur madashaas uu Abdirahmaan kaga dhawaaqayey ururka oo uu gudoomiye ku xigeenkisa barlamaanku mudane:Abdicasiis Samaale   si cad u sheegay in uu abdirahmaan  gacan wayn ka gaysatay guushii  uu ka gaadhay  kulmiye doorashada madaxtooyada taas oo uu Abdirahmaan cirro ku jabiyey xeerkii xisbiga iyo  distoorka qarankaba iyadoo horena aanu u qabnay tuhunkaas..

Hadaba anagoo  tixraacayna  hadalkaa uu madashas ka yidhi in uu iska casilay  xubinimadii  xisbiga ee uu ku fadhiyey golaha wakiilada kuna ahaa  gudoomiyaha  isagoo jabiyey  distoorka , xeerka xisbiga iyo xeerka nidaamka ururada iyo  axsaabta ee Xeer No:14/ waxa uu xisbigu go’aansaday in uu ka aqbalo is casiladiisaa soona buuxsado xubinimadaas sida sharcigu dhigay.

Maadaama oo uu ku biiray urur aan jirin , kuraasna aan ku lahayn golaha wakiilada.

Sidaas daraadeed waxaanu ka codsanaynaa haayadaha qaranka ee ay khusayso arintani in ay fuliyaan go’aankaas ka soo baxay xisbiga UCID waxaan kaloon xasuusinayana dhamaan  xildhibinaada golaha  wakiilada in aanu  gudoomiyahii hore ee golaha wakiiladu  mudane Abdirahmaan Cirro  aanu matalin xisbiga, lumiyeyna xubinimadii Golaha wakiilada.”

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net