XISBIGA UCID: Baaq Samafal (Humanitarian Press release)

 (Ramadaan kariim)

Ku:- Dhamaan  Ganacsatada/Tijaarta  reer Somaliland

Ku:- Qurba jooga reer Somaliland.

Ku: Ururada Samafalka  Caalamka iyo Somaliland-ba

“Xisbiga UCID waa  Xisbi u taagan cadaalada iyo daryeelka Ummadda reer Somaliland,waa Xisbi la qaybsada Shacabkiisa dhib kasta oo la soo gudboonaata sida aad  marar hore oo badan markhaati uga tihiin waxaana ugu dambaysay gurmadkii iyo baaqii  Musharaxa Xisbiga UCID ee  Gobolada Galbeedka  Somaliland”

Sida aad la wada socotaan ,waxaa lagu guda jiraa bishii  barakaysneyn  ee RAMADAAN,bishii naxariista iyo isu gargaarka.

  • Madaama ay jiraan ABAARO kulul oo xilligan lagaga soo qayliyey gobolada Salal—Awdal iyo Saaxil,kuwaas oo laga cabsi qabo in ay dhibaato weyn gaadhsiiyaan dadka  iyo duunyada ku dhaqan goboladaas.
  • Madaama ay  jiraan Caruur  aad u fara badan ,oo isgu jirta qaar ku jira xarumaha  AGOOMAHA iyo DERBI JIIF(DAN YAR),kuwaas  oo iyana la sheegay in ay ku jiraan xaalad adag,una  baahan in loo gurmada fadliga bisha RAMADAAN awgeed.
  • Madaama  ay jiraan  dad fara bada oo  xanuuno kala duwan u jiifa CUSBITAALADA dalka,una baahan in in loo gargaaro fadliga bisha RAMADAAN  awgeed.
  • Madaama ay jiraan MAXAABIIS  fara badan oo ku xidhan Xabsiyada(Jeelasha) ,una baahan in loo gargaar bisdha khayrka badab ee RAMADAAN.
  • Madaama ay jiraan dad aad u fara badan oo  DANYAR ah,kuwaas oo ay ku adag tahay in helaan nolol maalmeedka caadiga ah.

Haddaba madaama ay jiraan dhamaan xaaladaha adag ee aanu kor ku soo sheegnay,xilligan lagu jiro bishii RAMADAAN ee khayrka iyo sharafta badneyd ,waxaanu halka  baaq samafal uga soo jeedinaynaa guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan inta uu baaqani sida tooska  ah ugu socdo,anagoo   si  xushamad iyo naxariis leh uga  codsanayna in ay GURMAD IYO TAAKULO  deg deg ah  la soo gaadhaan dhamaan qaybaha  Bulshada ee aanu  sida gaarka ah ugu xusnay BAAQAN SAMAFALKA AH.

Dhamaab  Xafiisyada Xisbiga UCID ee  Gobolada iyo Degmooyinka  Somaliland ,waxaa lagu wargelinayaa in ay ka qayb qaataan gurmadkasta oo lagu badbaadinayo guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan  dan yarta iyo inta jilicsan.

Waxaa  halaag iyo dhib badani u sugnaatay,kuwa xoolaha Ummadda sida fudud u qaadanaya,Ifka iyo Aakhirana ma liibaani doonaan,mana badbaadi doonaan.

ALLAA   MAHAD LEH

 Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Xoghaya  Arimaha Gudaha

         Xisbiga UCID

  abdi_saleiman@hotmail.com