Xisbiga Saqaalaha (Labour Party) Tower Hamlets Oo Ballanqaaday Inuu Ictiraafi Doono Somaliland

Salaanta islaamka kadib, waxaan jecelahay inaanu ugu la wadaagno dhammaan dadweynaha reer Somaliland inuu cadeeyey xisbiga shaqaalaha ee Tower Hamlets (Labour Party) inuu qaado wadadii Shefield City council ay ku aqoonsatay Somaliland.

Somali Labour party membersKadib kullamo badan oo muwaadiniin Somalilander ah kana mid ah isla xisbiga Labour party ay kaga hawl-galleen sidii ay ufahamsiin lahaayeen saraakiisha xisbiga, gaar ahaan murashaxa utartamaya inuu noqdo Moyorka tooska loosoo doorto amaba duqa magaalada oo ah shaqsiga leh go’aanka ugu danbeeya ee waxkasta oo laga fulinayo Tower Hamlets, ayaa waxaa ugu danbayn laga arki karaa saxaafada John Biggs oo cadaynaya inuu hormuud ka noqon doono uuna suura-gellin doono qadiyada ictiraafka ee Somaliland.

Arrinkan ku saabsan Tower hamlets waa qadiyad soo taxnayd in mudo ah in badana la xasuusiyey xisbiga shaqaalaha ee ugu taageerada badan Tower Hamlets in laga sugayo inay dhaq-dhaqaaqa qadiyada ictiraafka qayb ka qaataan oo wax ka qabtaan; waxaa tusaale cad taas u ah shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay John Biggs ayna kasoo qayb galleen dhammaan saxaafada maxaliga ah kuna jiraan ilaa 3 TV oo ka hawl-gala Tower Hamlets, uuna ku daahfurayey siyaasada uu wax ku maamuli doono afarta sano ee soo socda (Political manidefsto), uu ka cadeeyey arrintan qadiyada Somaliand inuu aaminsanyahay uuna horseed ka noqon doono, kadib markii aan anigu weydiiyey.

Markale xalay (17.04) ayaa markhaati laga noqday nuxurka iyo maxsuulkii dedaalkii ay galleen muwaadiniin kooban oo hawshaas uguntadey, waxaad adiguna ka arki kartaa inta badan mareegaha Somaliland intooda badan oo aad arki dootno John Biggs oo ku ballan qaadaya inuu horseed ka noqon doono raadinta ictiraafka Somaliland.

Waxaanu halkan ka cadaynaynaa inaanu jirin xisbi Somalind ah, muxaafid iyo mucaarad aanu ka tirsanahy, hadii arrintan laga midho dhaliyo waxay noqon doontaa guul usoo hoyatey ruux kasta oo Somalilander ah, waana dadaal bulsho ay samaynayaan ashqaas kamid ah bulshada Somaliland ee Tower Hamlets, sidii ay horeba ugu sameeyeen reer Sheffield, waxayse tusaale cad utahay in hadii qadiyadan dadaal laga sameeyo in laga midha dhallin karo.

 

Waxaanu gaar ahaan ugu baaqaynaa xukuumada Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ahba inay wada shaqeeyaan, oo ay gaar ahaan xukuumadu la timaado siyaasad cad oo qeexaysa habka loo marayo horumar la taaban karo, hab dhaqan-dhaqaale iyo mid ijtimaaci ah, hoostana ka xariiqaysa sidii Somalilandu heli lahayd ictiraaf caalami ah (International recognition).

Waxaanu markale aad ugu mahad celinaynaa jaaliyada Shefield oo iyadu hada u ah tusaale fiican, ahna sanadkan horyaalka dhammaan Somalind meel kasta oo ay joogaanba.

 

Illahay ayaa mahad leh!

Abokor Ibraahim Xasan, Qoorgaab

Afhayeenka Somali Labour party members

Bariga London

Absessa@yahoo.co.uk