Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku Eedeeyey inuu Qaranka u baabi’inayo sidii uu UDUB u soo baabi’iyey

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan Eedo uu wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ujeediyey, iyagoo ku tilmaamay in uu doonayo mar kale in uu qaranka u baabi’iyo sidii uu UDUB u baabi’iyey.
Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradk ah ee Wadani Axmed Muumin Seed oo warbaahinta u qaybiyey qoraal jawaab u ah hadal Wasiir Cali Warancade  ku weeraray Axsaabta Mucaaradka ah oo uu ku Eedeeyey in cadawga Somaliland soo adeegsaday, waxaanu qoraalkiisa jawaabta ahi u qornaa sidan: “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay maalin cad xaraashtay qadiyadii madaxbanaanida Somaliland, Waxaanay ku guuldaraysatay wadahadaladii humaagga ahaa ee ay la gashay Somalia, umadda Somaliland waxa u cad in xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo aanay marnaba daacad ka ahayn wada hadahadaladii ay la gashay Somalia isla markaasna ay doonayso inay caalamka tusto inay midnimo soomaaliyeed raadinayso.

axmed wadani
Waxa taas cadayn u ah in wadahadaladii ay ku guuldaraysatay isla markaasna ay iska nabayso inay ka jawaabto marar badan oo Somalia ku celcelisay inay ka baxday wadahadaladii iyo qodobadii lagu heshiiyey.
Markii wadahadalada lagu jiray waxa go’aamada gaadhayey xubno madaxtooyada Axmed Siilaanyo diratay oo u xaglinaya isla markaasna aaminsan mabda’a Somalia.
Waxaa la ogyahay in guddigii wadahadalada laga dareeriyey fadhiga wadahadalada oo ay ku hadhi jireen xubno si gaar ah isu ogaa oo wada xidhiidhi jiray oo u xaglinaya dhinaca Somalia.
Dhinaca kale waxaanu aad uga xunnahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha oo shalay xisbiga KULMIYE markii uu mucaaridka ahaa ku sheegi jiray Al-shabaab uu maantana xisbiyada qaranka ku aflagaadeeyo wixii xukuumadda uu ka tirsanyahay lagu tuhmayey ee ah inay qaddiyadii madaxbanaanida Somaliland xaraashtay.
Wasiir Cali Warancadde wuxuu hore usoo baabi’iyey XIsbigii UDUB maantana wuxuu baabi’inayaa qaranka Somaliland, waxa nasiib darro ah in Wasiir Cali Warancadde uu garsoorkii dalka ku sheego laaluush qaatayaal maantana xisbiyada qaranka uu aflagaadeeyo, iyada oo amaankii dalku faraha kasii baxayo oo hadhka cad la toogto xildhibaanadii shacabku soo doorteen.
Nin xilkiisi gabay yaanu ku galgalanin xisbiyada mucaaridka ah.”

SOMALILANDPOSTNET