Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo taageeray shirka Beesha Ciise Muuse uga Socda Deegaanka Dubur

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku taageerayo shirka beesha Ciise Muuse maanta uga furmay deegaanka DUBUR ee degmada Sheekh.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Xisbiga, isla markaana lagu muujinayo taageerada Xisbigu u hayo in beeshaasi ka tashato aayaheeda ayaa u dhignaa sidan:

“Sida aynu la wada socono waxaa waayadan ba dalka ka socoda dhaqdhaqaaq ay xukumadu horsed ka tahay kaas loo la rabo in lagu burburiyo  laguna wiiqo shirka ay beesha ciise muuse ku qabsanayso Dubur shirkaas oo ah shir ay beeshu kaga tashanasyo aayaheed.

Hadaba hadaanu nahay Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka waxaanu taageersan nahay shirkaas iyo dhamaan shirarka ay beelahu kaga tashanayaan ayaahooda iyo danahooda reer nimo isla markaana aan wax u dhiman Nabad Galyada iyo Qaranimada Somaliland kalana fogaynay walaaltimimada iyo wadanoolaansha beelaha Somaliland.

Waxaan la wada soconaa in dalkeena ay had iyo jeer ka dhacaan shirar beeleedyo kuwaas oo aan waxba u dhimin nabad galyda iyo qaranimada Somaliland basle ay aayahoda kaga tashaadaan beelahaasi qabsada shirarkaas kan hadana waxba kama duwana  shirarkaa ay beelaha horeba qabsadeen  sdii shirkii ay qabsadeen beel ka mid ah beelaha jamhuuriyada somalinad kaas oo la odhan jiray Shirkii Gar adag ahaana Hooyada shirka beelaysan ee Somaliland

Guntii iyo gabagabadii:

  • Waxaanu ku boorinaynaa beesha  shirkan hada qabsanaysana in ay ilaaliyaan Nabad galyada iyo Qaranimada iyo Midnimada Somaliland
  • waxaan kaloon xukumada hada jirta ku waaninayaa in ay faraha kala baxdo shirka ay beelahu ayahooda reernimo kaga tashanayaan kana dayso docadocaynta ay had iyo jeer kuwado kuna kala jabinayso beelaha dega dhulka Somaliland.

ALLAA                             MAHAD                                   LEH

Kusimaha Xoghayaha Arimaha Gudaha

Xussien Xasan Badmaax