Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa si adag u cambareeyey xukunka lagu riday Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal iyo Xayiraadda la saaray Wargeyskaas oo ay ku tilmaameen mid aan loo marin sifo sharci ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxaanu Si adag U Canbaareyneynaa Xayiraadii, Xunka, Xadhiga, Xabsiga, Xadiga Lacagta ah ee lagu Ganaaxey iyo Xeerla,aanta aan Loo marin Xadhigooda (Madani iyo Xeerka Saxaafada S/land)
Wargeyska Hubaal Waxaa ay imika Xayiraadi Saarneyd Mudo Dhan 21 cisho kaas oo aan isna loo marin Sifo Sharciya oo Ciidamadda Amaanka Iyo Ciidamadda Sida Gaarka Ah U tababaran Ee Ka hortaga Argagixisada Ee Loo Yaqaan RRU ay Qufulo Waaweyn Ku Xidheen
Hadaba Waxaa aanu Cod Dheer Ku Canbaareyneynaa Xukunka Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land
Waxaa Sidoo Kale Si Adag Aanu U Canbaareyneynaa
Falkii Foosha Xumaa Ee ahaa (isku Day Dil) ee Loogu Soo Dhacey Xarunta Wargeyska Hubaal isla markaana Waxyeelo (Dhaawac ) LooGu Geystey Hawlwadeenadii Wargeyska Hubaal, Oo aan iLaa imika Waxba Laga Qaban Oo aan Xataa Dacwad Lagu Soo Oogin Danbiilihii Danbiga Dilka Ah Gacanta Kula Jirey
Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga Ucid
Md Yusuf Keyse Alaahi