Xisbiga Kulmiye oo Soo Dhaweyn u sameynaya Xildhibaano ku Biiraya.

Hargeysa(SLpost) Xisbiga Kulmiye ayaa La Filayaa in Maalinta Axada ee Todobadka Soo socda ay soo dhaweyn u sameyaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland kuwaasi oo hore uga mid ahaa Xildhibaanadii Xisbigii UDUB ee Saxada Siyaasada ka Baxay.

kulmiye

Wararka Shabakadan Somalilandpost Helayso ayaa la sheegay in Xisbigu Qabanqaabinayo Xaflada soo dhaweynta Xildhibaanadaasi oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 4Xildhibaan, iyada oo xaflada weyn loogu sameyn doono Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

maalmo ka hor ayey ahayd markii Xisbiga Mucaaridka ee Waddani uu Xaflad soo dhaweyn ah u sameyey xildhibaano hore uga tirsanan jiray xisbigii udub kuwaasi oo haatan ku biiray Xisbiga Wadani.

XIsbiga Kulmiye ayaa maalmahan waxa uu u tafaxaydanyihiin sidii xildhibanada wali aan xisbiga ku biirin uu soo jiidan lahaan, si xisbigooda uga mid noqdaan.

Somalilandpost.net

Hargaysa