Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Taageerayaal ka soo Jeeda Beelaha Dan-wadaago (Gabooye)

Murrashax Muuse Biixi oo jeediyey khudbad uu liishaanka ku saaray dhibaatada takoorka lagu hayo beelaha Gabooye
Hargeysa (SLpost)- Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey taageerayaal laxaad leh oo kasoo jeeda beelweynta Dan-wadaago (Gabooye) oo ka tirsan beelaha reer Somaliland.
Xaflad lagu soo dhaweeyey taageerayaasha kasoo jeeda beelaha Dan-wadaago oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka kale ee xisbiga, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, garabka Haweenka, madaxda heer gobol, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal iyo boqolaal taageerayaasha la soo dhaweeyey.
1V8A4336002Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo ugu horrayn madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si kal iyo laab ah usoo dhaweeyey taageerayaasha laxaadka leh ee kasoo jeeda beelaha dan-wadaago, waxana uu ugu hambalyeeyey go’aankooda ay ku taageereen xisbiga KULMIYE.
Xoghayaha xukuumadda ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed-deeq Muuse, ayaa ka warramay sida hagar-la’aanta ah ee shacabka deegaankiisu u garab-taagan yihiin xisbiga KULMIYE oo muhiimad wayn siiyey da’yarta beesha Dan-wadaago, taas oo keentay kalsoonida iyo taageerada beeshu u muujisay xisbiga, waxaannu xusay in cudduda beeshu ku midaysan tahay taageerada KULMIYE.
Cuqaal iyo madax-dhaqameed tiro badan oo kasoo jeeda beelaha dan-wadaago oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Xuseen Axmed, Caaqil Axmed Cabdi Xuseen, Cabdi Muuse Maxamed, Maxamed Libaax Shide, Suldaan Deeq Cayuun, Oday Tamaam iyo Suldaan Maxamuud Xuseen, ayaa tilmaamay inay taageerada xisbiga KULMIYE ka midaysan yihiin, isla markaana beeshu go’aansatay inay dhismaha xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisaba u hagar baxaan, si loo gaadho guul uu xisbigu mar kale talada dalka ku qabto.
1V8A4336001Eng. Xuseen Ibraahim Buuni oo xisbiga KULMIYE katirsan, garyaqaan Cumar-dhegoole iyo marwo Ruqiya Xasan oo iyaguna goobta hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in hiilka KULMIYE la garab taagan yahay beelaha Dan-wadaago uu sabab u yahay taageerada cad ee hormoodku beeshu ku muujiyeen inay KULMIYE taageersan yihiin.
Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo kamid ah hormoodka salaadiinta beelaha Dan-wadaago oo halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay inay beeshiisu ka midaysan tahay taageerada KULMIYE, isla markaana ay si midaysan ugarab taagan yihiin xisbiga, waxaannu yidhi, “Anigu hadba ummaddaydu halka ay tagto ayuun baan ugu duceeyaa, waxaannu sheegayaa inay go’aan fiican qaateen meel kasta oo ay joogaanba, waxaanay garabtaagan yihiin Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.”
Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa muujiyey kalsoonida ay xisbiga gelinayso taageerada muuqata ee kasoo if-baxday beelaha Dan-wadaago, waxaannu xusay inay wax badan ka beddeli doonto dadaalka uu xisbigu ugu jiro hoggaaminta dalka.
Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si farxad leh u soo dhaweeyey taageerada ay bulshoweynta beelaha Dan-wadaago la garabgashay xisbiga KULMIYE, waxaannu si qoto-dheer uga sheekeeyey qiimaha ay beelahani ku leeyihiin bulshada dhexdeeda iyo dhibaatada lagu hayo, isaga oo beelahana kula dardaarmay inay cafiyaan cid kasta oo dulmigooda ku lug leh, waxaannu yidhi, “Dadka aad wada deggentihiin ee dulmiga iyo farsamo-xumadaas samaynayaa umay badheedhin oo idinkamay maarmin, laakiin aqoon-darro iyo jaahilnimo ayey caadadaasi ku hirgashay, sheekh iyo shariif iyo qof kasta oo caqli lihiba ilaa maalintii aan dhashay waa la iska waaninayey, ninkasta oo reer u taliya ama siyaasi ah aqoon lihina wuu waaninayey walow ay gaabinaysana inay wax iska beddelaan waa la arkaa, intaan hubona cidina kumay tashinin inay dulmiga intaas le’eg walaalahood ka galaan, waxaana aanu idinka codsanaynaa inaad ka ducaysaan dulmigaas la idinka galay, mar labaadkana waxaan doonayaa inaydaan ka xumaanin oo samirkaas Ilaahay abaalkiisa waad ka helaysaane aydaan qalbigiina iyo niyaddiina xumaynin, dhibaatada dhacdayna waanu idinla wadaagaynaa.”
1V8A4336004Guddoomiyuhu waxa uu mid mid u xusay kaalmihii lama ilaawaanka ahaa ee beelaha Dan-wadaago kasoo qaateen qaybaha kala duwan ee nolosha iyo sidii ay furaha ugu ahaayeen hab-nololeedyadii jiray, waxaannu tilmaamay in takoorka lagu hayo beelahani ay sababtay dhibaato dib-u-dhac ah oo ku dhacday horumarkan ummaddan, “Marxaladaha nolosha bani’aadkamku waxay kasoo bilaabantay Xoolo-lay, Beeraley ayuu uga sii guuray, haddana Warshadley baa la noqday, innaguna saddexdaas baynu soo marnay, dhammaantoodna qiimaha koowaad baad ka qaadateen, waa marka koowaade markii reer Miyiga la ahaa wax Alla iyo wax-farsamo loo baahdo iyo Faraadin oo dhakhtarnimada ahayd, labadaba idinkaa la idinka daba-socday oo ka kow ahaa, horena umarimayso ummadda dadka Warshadaheeda iyo birteeda u sameeya kasoo horjeesatay oo yastay,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Murrashax Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in dulmiga lagu hayo bulshada beelaha Gabooye aannu diinta Islaamka iyo dhaqanka suubban midkoodna meel ku lahayn, waxaannu bulshada ugu baaqay inay ka waantoobaan ku dhaqanka wax kasta oo aan diinta waafaqsanayn, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Shareecada Islaamku dulmigaas way xaaraantimaysay, waana in loo guntadaa oo idinku u guntataan oo inta kalena idinku garab-gashaa sidii waxan loo suulin lahaa mar haddii shareecada Islaamku kasoo horjeedo, waqtigeedana way qaadaynaysaa, dadkana waa lala halgami doonaa, laakiin waxa innaga go’aan ah inaynu la dagaallanno wixii shareecadu reebtay ee dhexdeenana dib-u-dhaca ku keenaya, Distoorka dalku reero muu kala sheegin, Gabooye iyo Aji-na muu kala sheegine muwaadin buu yidhi ee maxaa innaga hortaagan in aynu muwaadinimada hirgelinno?”
Guddoomiyuhu waxa uu ugu bushaareeyey beelaha Dan-wadaago inuu kala hawlgeli doono sidii ay u heli lahaayeen kuraas kooto loogu xidho golayaasha qaranka, “KULMIYE horena wuu u dadaalay, iminkana waxa uu idiin ballanqaadayaa inuu sharciga idinkula hawlgalo, xuquuqda aad leedihiin dhibaatada hortaallona meesha laga saaro, waxaanna aanu ballanqaadaynaa inaannu golayaasha sharci-dejinta kula dagaallano in kooto la idiin ogolaado, maadaama oo aydaan sida reeraha qaarkood u urursanayn,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.