Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyay Aqoonyahano Iyo Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Ku Soo Biiray (SAWIRRO)

(SL.Post)  Hoggaanka xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa soo dhaweeyey aqoonyahanno iyo siyaasiyiin miisaan leh oo kusoo biiray, xisbiga KULMIYE, kuwaas oo kasoo jeeda deegaannada Go’da weyn iyo Cadaadley.

newkulmiy4-1024x683

Munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiintan ayaa waxa kasoo qaybgalay hoggaanka xisbiga KULMIYE, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo marti-sharaf aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo soo dhaweyn u badan, isla markaana xubnaha cusubi ku muujiyeen sida ay ula dhaceen siyaasadda xisbiga KULMIYE.

newkulmiy1-1024x683

Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Md. Xasan Maxamed Cali(gaafaadhi) oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay yimaadeen madal loo siman yahay oo aragtidooda six or ah uga dhiiban doonaan.

newkulmiy5-1024x683

Afhayeen Gaafaadhi waxa uu aad u dhaliilay xubnihii is-baysiga la baxay ee xukuumadda iska casilay, dhawaanna ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, waxana uu sheegay inay ahaayeen shakhsiyaad ka faa’iiday xisbiga KULMIYE, markii dambena inqilaab dhicisoobay isku dayey,“Qolyihii xisbiga iyo xukuumadaba kamidka ahaan jirey ee dhawaan tegay waxan leeyahay marka hore waanu idin sagootinaynaa, halka aad tagteenna waxa aad ku biirisaan waa la arki doonaa, waxanse isleeyahay raggaasi waa raggii xisiga KULMIYE kuraastiisa ku fadhiyey eek u liibaanay, madaxdana inoo ahaa lixda sanadood, sida ay ku tageenne waxa ay ahayd si milgihii lagu doortay aad uga duwan, waxana aynu ognahay inay isku dayeen inqilaab dhicisoobay, runtiina inqilaab dhicisoobay buu ahaa, maantana rag xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda wax ka sheegi kara ma ah.” Ayuu yidhi afhayeen Gaafaadhi.

newkulmiy8-1024x683

Aqoonyahan Maxamed Cabdi Nuur iyo Cabdinaasir Ismaaciil Nuur oo kamid ah xubnaha aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ah ee xisbiga kusoo biiray oo madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay go’aansadeen inay lamidoobaan xisbiga KULMIYE oo waxqabad iyo karti badan muujiyey, isla markaana muddadii uu xilka hayey bulshada tusay in wada-jirka wax badan lagu qabsan karo.

newkulmiy10-1024x683

Marwo Qadan Cabdilaahi Maxamed oo xubin ka ahayd aqoonyahanka kasoo jeeda deegaanka Go’da weyn ee KULMIYE kusoo biiray oo halkaas ka hadashay, ayaa iyaduna hogo tusaalaysay sida loogu baahan yahay in bulshadu isdhex gasho oo deegaan waliba xisbiga uu rabo taageero, waxana ay cambaaraysay farogelin iyo cago-juglayn ay kala kulmeen xubno xisbiga WADDANI kamid ah.

newkulmiy11-1024x683

Murrashax Siciid Aw Aadan oo hoggaaminaya xubnaha xisbiga kusoo biiray, ayaa isaguna sheegay inuu kalsooni badan ku qabo xisbiga KULMIYE ee uu kusoo biiray, isaga oo tusaale usoo qaatay waxtarkii mujaahid lixle oo ay isku deegaan ahaayeen ku calaamadsan yahay, “SNM waxa ay ku faani jirtey mujaahid Lixle, KULMIYE-na lixle ayuu u baahan yahay, aniguna cududayda iyo taageeradayda waan muujin doonaa.” Ayuu yidhi murrashax Siciid Aw Aadan.

newkulmiy9-1024x683

Wasiirkii hore ee wasaaradaha Warfaafinta iyo weliba Kalluumaysiga Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan(geeljire) iyo wasiirka wasaaradda Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub, waxana hoosta ka xarriiqeen inay xisbigu ixtiraam iyo karaamo badan u hayo.

newkulmiy1-1024x683 newkulmiy2-1024x683 newkulmiy3-1024x683

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa sharraxay horumarka uu xisbiga KULMIYE waddanka u horseeday, isaga oo xubnaha cusub u sheegay inay yimaaddeen hoygii waxqabadka dalka, waxana uu yidhi, “maanta maalin aan ka qurux badanahay iyo maalin aan ka magac weynahay ma jirto, waxaasna Kulmiye ayaan ka helay, xisbiga Kulmiye waa xisbi mustaqbal leh, caafimaad, waxbarasho iyo riigag yaa sameeyey ee aan KULMIYE ahayn, waanu aaminsanahay in xisbiyada la kala galo, laakiin waanu difaacaynaa waxa uu KULMIYE qabtay, waxana aad timaadeen hoygii loogu talo galay inuu dalkan dhiso”

 

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna ku-simaha guddoomiyaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo isaguna munaasibadda soo afmeeray, ayaa ku dheeraaday taariikhda miisaanka leh ee deegaanka Go’da weyni leedahay, isagoo xusay inay tahay goob taariikhi ah oo shakhsiyaad wax badan taray kasoo jeedaan,“Kulmiye maanta laga bilaabo kamid baad tihiin, taladiisa waxbaad ku leedihiin, xuquuqdiisana kamid baad tihiin, go’da weynina waa deegaan qiimo leh, waana halkii uu mujaahid Lixle ka hawlgalay, ninka maanta reer Go’da weyn doonaya inuu qoys ugu abtiriyow Lixle maalintaas qoysaska reer Somaliland oo dhan buu maalintaas hoggaaminayey” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

 

Waxa jawaab cad u diray xubnihii tirada yaraa ee dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI, waxana uu sheegay inaan daacadnimadii ay sheeganeyeen iyo khiyaanadii ay sameeyeen wax isqabanaya ahayn, waxana uu yidhi,“taariikhda siyaasiga ah ee caalamka weli kama ay dhicin dhawr iyo toban wasiir oo madaxweynahoodii magacaabay Khaayinnimo ku sameeyey oo la arkay iyaga oo toorrida dhabarka kala dhacaya, dadkana waxan u sheegaya inay taariikhda ugub ku tahay waxa ay qoladaasi sameeyeen, qolada kale ee ay u tageenna waxaynu leenahay ilaahay beerkiina burcad ha isu mariyo, laakiin daacadnimada iyo khaayin-nimadu meel ma wada galaan.”

 

Guddoomiye Maxamed Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray,“maalintii 12-wasiir ay meesha ka dhaqaaqeen ku talogalkoodu waxa uu ahaa Kulmiye wuu burburayaa, Axmed Siilaanyo xukuumadiisuna way burburaysaa,Kulmiye oo kamid ah xisbiyadii dalka ugu horreeyey oo soo gaamuray oo dad badan oo halgamaa ahi ku jiraan gudo iyo dibadba oo isagana sida uu dhidban yahay aanay koox yari lii-liijin Karin, labadaas mid walba way ku khasaareen.”

 

Somalilandpost.net