Xisbiga KULMIYE oo soo bandhigay Aqoonyahan Da’yar oo uga Qayb-gali doona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda

[H]argeysa (SLpost)- Munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE ku soo bandhigay mid ka mid ah murashaxiintiisa uga qayb-galaya Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee Somaliland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibaddan oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Sarsare eeXisbiga Kulmiye, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, taageerayaasha Murashaxa iyo marti-sharaf kale, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Murashax Hanad Xaashi Axmed Caydiid oo shaaciyey inuu Xisbiga KULMIYE ugu Sharraxan yahay  Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa. Murashaxu waxa uu dadweynaha iyo taageerayaasha Xisbigaba u ballan-qaaday haddii ay codkooda siiyaan inuu wax ka qaban doono Adeegyada Aasaasiga ah ee Caasimaddu u baahan tahay.

“Dadku kolley marka qof la doorayo, waxa uu yidhaahdaa waxaasaan qabanayaa. Haddii aad na doorataan, Insha Allahu, baahiyaha faraha badan ee aasaasiga ee gobolka Maroodi-jeex u baahan yahay, waxban ayaanu ka qaban doonaa,” ayuu yidhi Murashax Hanad Xaashi.

Waxa sidoo kale munaasibadda ka hadlay qaar ka mid ah Xidhibaannada Xisbiga Kulmiye ugu jira Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland, waxaana ka mid ahaa Xildhibaan Axmed Ibraahim  (Axmed-Weyne) oo murashaxa hankiisa muujiyey kula dardaarmay inuu muujiyo dhabar-adayg iyo dedaal.

“Halkan waxa laguu keenay inaad madax ka noqoto uun maahee, hawl baa halkan lagaa doonayaa; waxaa la doonayaa dadku waxa uu tabanayo iyo baahiyaha iyo dhibaatada magaalada ka jirta, inaad wax ka qabato,” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-Weyne.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, Xildhibaanno iyo wax-garad kale kuwaas oo dhammaantood murashaxa kula dardaarmay inuu si karti leh hawshiisa uga soo baxa haddii uu ku guulaystay murashaxnimada Golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi  oo gebo-gabadii munaasibadda ka hadlay, ayaa murashaxa cusub ku ammaanay aqoon iyo karti uu u leeyahay xilka uu u taagan yahay, waxaana uu sheegay inay ka-Xisbi ay ka go’an tahay inuu ka mid noqdo murashaxiinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka.

“Hanad waxa uu ku dhashay magaalada Leningrad. Waxa iska dhalay Engineer iyo Dhakhtarad. Markaa waa da’da nasiibka badan ee labadiisa waalidba ahaayeen Jaamiciyiin, waxaanu ku dhashay Kambal Jaamacadeed,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Xisbiga iyo urrarada Siyaasadda Somaliland ayaa Bilihii ugu dambeeyey Shacabka iyo Bulshada u soo bandhigayay murashaxiin kala duwan oo uga qayb-qali doona Doorashada Goleyaasha Deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhammaadka Sannadkan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net