Xisbiga Kulmiye Oo Shaaciyay Ergooyinka Shirweynaha Golaha Dhexe

Hargeysa(SLPOST):-Guddida Fulinta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE, ayaa maanta Ansixisay sagaal boqol iyo afartan iyo hal xubnood oo noqon doona xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixin doono Shirweynaha saddexaad ee Xisbigu yeelan doono 22/03/2014-ka.

images (1)

Kulammo is daba-joog ahaa oo Xisbiga uga socday xaruntooda magaalada Hargeysa maalmihii u dambeeyey, isla markaana Dood badan ka dhex dhaliyey Madaxda iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Xisbigaas, ayaa maanta lagu soo af-jaray Saami-qaybsi Gobolaysan oo haddana Beelaysan oo Guddida qaban-qaabada Shirweynuhu soo bandhigtay, ka dib markii saami-qaybsigii hore ee Hoggaanku keenay sii kordhiyey khilaafka Xisbiga.

Saami qaybsiga rasmiga ah ee maanta la Ansixiyey waxa uu u dhigannaa sidan:-

“1.      Habarjeclo 206 xubnood

2.      Habar awal 206 xubnood

3.      Arab 113 xubnood

4.      Gar-xajis 94 xubnood

5.      Samaron/Ciise 160 xubnood

6.      Harti 113 xubnod

7.      Tol-jeclo 19 xubnood

8.      Ayuub 19 xubnood

9.      Others 19 xubnood

Isu-geynta tirada guud ee ay ka koobnaan doonaan Ergooyinka rasmiga ah ee ka soo qaybgeli doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE oo lagu qaban doono Hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ay noqonayaan 941- xubnood, waxaana sida tirooyinka Beelaha marka laga tago Beel walba haddana ka sii heshay gobol kasta tiro cayiman oo ay ka soo baxday wadarta guud ee Beeluhu wax u qaybsadeen.

Kulanka subaxnimadii saaka lagu ansixinayey Ergooyinka, ayaa waxa hadheeyey Buuq iyo muran kolba ka dhalanayey Siyaasiyiinta Beelaha ugu jira Xisbiga oo kooxiba doonaysay in ay kooxda kale ka tiro badato, balse ugu danbayntii waxa la isla gaadhay go’aankan oo mid ay Siyaasiyiintu ku qanceen intooda badan saamiga Beelohoodu ka kala heleen Ergooyinka ka soo qaybgeli doona Shirweynaha Xisbigaas.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee KULMIYE, ayaa sheegay inay guud ahaan hawlihii cuslaa ee u diyaar-garawga Shirweynaha Xisbiga KULMIYE la dhammaystiray, isla markaana waxa ugu dambeeyey ee la sugayey ay ahayd qaybinta Ergooyinka ka soo qaybgeli doona Shirweynaha oo loo muddeeyey inuu qabsoomo 21-ka bishan March 2014 ee aynu ku jirno.