Xisbiga Kulmiye oo Lacagta Murashaxnimada ka Bixinaya Tartamayaasha ka socda Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga talada dalka hoggaamiye ee KULMIYE, ayaa shaaca ka qaaday inay lacagta murrashaxiinta looga baayahan ay ka dhaafeen tartamayaasha ka socda haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ee dalka

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa wareegto uu soo saaray maanta ku shaaciyey in gebi ahaanba xisbigu joojiyey inuu wax lacag ah ka qaado murrashaxiinta matalaya haweenka iyo beelaha laga tirada badan yahay ee iska soo sharraxaya KULMIYE, si uu xisbigu u dhiirrigeliyo tartamayaasha labadaa qaybood ee ka tirsan bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Wareegtadan oo lagu socodsiiyey dhammaan Guddoomiyayaasha Gobollada dalka ee xisbiga KULMIYE, waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenku ku sheegay in aan wax lacag ah laga qaadi doonin murrashaxaxiinta labadan qaybood ee doonaya inay u tartamayaan xildhibaannimada Golaha Wakiillada iyo Deegaannada dalka.

Wareegtada ayaa u qornayd sidan:-