Xisbiga Ka Taliya Spain Oo Lumiyay Aqlabiyaddii

Spain(SLpost)-Hannaanka siyaasadeed ee dalka Spain ee ku salaysan labada xisbi ee waa weyn ayuu isbadal ku yimid kaddib markii laba xisbi oo cusub ay guulo ka soo hooyeen doorashada guud ee dalkaasi.

Xisbiga caanka ee talada haya ayaa waxa uu lumiyay aqlabiyaddii uu ku lahaa baarlamanka, hasayeeshee weli waxa uu ku guulaystay kuraas aad u badan.

Hoggaamiyaha xisbigaasi, Mariano Rajoy, ayaa sheegay in uu isku dadayo in uu soo dhiso dowlad cusub, balse waxa uu ka digay in taasi aanay fududaan doonin kaddib sanado uu dalka ku jiray barnaamijyada gunti-giijiska ee lagu badbaadinayay dhaqaalaha.

Waxa uu sheegay in dadka dalkaasi ay ogyihiin in Spain ay soo martay afar sano oo aad u adag isla markaana xukumaddiisu ay sameysay wixii ay sax u arkaysay.

Dhanka kale, Xisbiga Hantiwadaagga ayaa waxa uu soo galay kaalinta labaad doorashadii guud ee shalay dalkaasi ka dhacday.

Hoggaamiyaha Xisbiga Hantiwadaagga ee Shaqaalaha, Pedro Sanchez, ayaa xarunta xisbiga ee Madrid kula hadlay taageerayaashiisa, waxa uuna u sheegay in dadka reer Spain ay doonayaan isbadal siyaasadeed.