Berbera (SLpost)- Xisaabiyaha dawlada hoose ee magaalada Berbera Cabdikhaalaq Cabdillahi Aw-Maxamed (Cabdikhalaaq Awal-Bari), ayaa qoraal uu soo gaadhsiiyay warbaahinta kala duwan, waxa uu ku beeniyay maqaal been abuura oo lagu faafiyay qaar kamida shabakadaha Internetka ee wararka laga daalacdo isagana lagu magacaabay in uu qoray, maqaalkaas oo ciwaan looga dhigay (Qasnada Dawlada hoose Berberi ma qaadi karto 54,000$ ee ku baxay xafladdii shalay), maqaalkaas oo Xisaabiyuhu ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah masuuliyadda uu maamulka dawlada hoose ka hayo iyo shaqsiyadiisaba, ayaa waxa uu Xisaabiye Cabdikhaalaq sheegay in uu yahay masuul katirsan masuuliyiinta Dawlada hoose ee Berbera qoraalkanina aanu ahayn mid isaga kasoo baxay cid qortayna ay yihiin shaqsiyaad aan badheedhi karin oo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kaleba ku adeegta kuna shaqaysta ceebaynta dadka. Waxa kaloo uu xisaabiyaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikhalaaq Cabdillahi Aw Maxamed uu shabakadaha wararka ee Internetka uga digay in aanay dabicin maqaalada been abuurka ah ee lagu soo qorayo magacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee ceeb ka saliimka ah islamarkaana ay fiira gaara u yeeshaan maqaalada loo soo dirayo ee been abuurka ah, waxaanu Xisaabiyuhu sheegay in aanu ka hadhi doonin cid qoraalkaas ku faafisay magaciisa sharcigana uu la tiigsan doono isaga oo xusay in uu ku raad joogo cidii maqaalkaas qortay dhawaana uu haayadaha sharciga hor gayn doono isaga oo sharaxaad ka bixinaya qoraalkaas iyo beenintiisa waxa uu yidhi, “Waxan beeninayaa maqaalkan aan gacanta ku hayo oo magacayga lagu qoray iyada oo sharaftayda meel lagaga dhacay laygana been abuuray waxes aan la yaabanahay ninkan qoraalkan qoray miyuu xanuunsanayaa maqaalkan waxa uu ku cambaareeyay Xafiiskaygii iyo Xaruntii aan ka shaqaynaayay waxaanu leeyahay Cabdikhalaaq ayaa qoray oo is eedeynaya taasina maaha wax dhici kara Mid kale Anigu waxan ahay masuul katirsan masuuliyiinta dawlada hoose shaqadayduna waa xafiiskaas xafladahan iyo waxan uu ka sheekaynayo maaha shaqadayda, markaa kolay hada waan ku raad joogaa cidii qortay maqaalkaas waanan aqoonsaday mana ka hadhayo haayadaha sharcigana waa la tiigsanayaa, waxes qolyihiin websiteyada idin leeyahay saaxiibyaal qoraalada magacyada dadka lagu been abuurayo iska hubsada oo markiiba ha daabicin. Cida qoraalkan qortayna maaha mid ay aniga sharafkayga wax ku yeelayaan ee waa dad waxaas ku shaqaysta oo la yaqaan horena loo ogaa calaaya xaal waxan kuu gabagabaynayaa qoraalkayga Maqaalkaas Ciwaankiisu ahaa Qasnada dawlada hooose ee beriberi ma qaadi karto 54.000$ ee ku baxay xafladii shalay waa mid been abuura oo layga been abuuray xaqiiqadana ka fog cid kasta oo maqaalkaas akhrisatayna waxan leeyahay horeba rag magacyo beena sheegta oo dad sharafta leh maqaalo ceebayna ka qoraa berbera waa lagu sheegayaye haduun bay galeen qafladii lagu qaban lahaa waananu qabanaynaa sidhakhso ahna haayadaha sharciga ayaanu u hor gayn doonaa.”
Home Somali News Xisaabiyaha Dawlada Hoose ee Berbera oo beeniyay maqaal lagu qoray magaciisa lagana...