Xirsi Jidkii Aadan Galaydh Ayuu Hayaa

 

Aadan waxa uu ahaa nin dad iyo duunyo labada ba Alle siiyey, taas oo u siyaadisay ina rag oo dhan  in uu quudhsado oo wax ba u arag.


hadda garo oo ninka dilka gaystay waa wiilkiisa, wixii tallo la siiyey na waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay xoolihiisa iyo innamadiisa. tallo-xumadaa uu Aadan sameeyey, waxa ay galaafatay dad wada dhashay oo wada yiillay, waxa ay qoorta u dheeraysay 8 wiil oo uu dhalay, xoolihii uu haystay na wax la dhacay iyo wax la cunay ama la isla dul-maray ayey noqotay. wax kasta oo dhacay isagii ayey aakhirkii soo gaadhay, isagiina naftiisa ayey galaafatay oo eegmo eegmo ku ilow ayaa haleeshay.
Aadan waxa lagu sheegi jiray in uu ahaa nin aad u kibir badan, sida oo kale na aftahan ahaa, se waxa ninkaa ku yaraa garashada iyo tallada toosan. Wiilkiisa oo dil gaystay ayaa tolkii ka heshiiyey, markii magta la qaybsaday ayaa geeliisa oo kadimo ahaa ku soo hagaagtay qaalin geel ah, markii la yidhi waar qaalin ayaa kugu soo hagaagtay ee geela ka soo saar, ayuu cirkaa maray ku ye “Geellayga hal lagu daro mooyee hal kama soo baxdo”

Sidaa waxa ka dhigan Xirsi, nin Siilanyo awood siiyey ayuu ahaa, wasiirka wasiirrada ayuu ahaa, wasiir kastaa na isaga ayuu daba joogay, wax wal ba waa lagu aaminay, ammaantiisa iyo caydiisa ayaa suuqyada ugu dhaqdhaqaaq badnayd. talladii odeygiisa waa diiday oo xirsi halkaa waxa uu ka shabbahaa Aadan Galaydh, dad badan ayuu sadqeeyey oo kuraastoodii ka saaray isaga oo calanka u sida, halkaa na waa Aadan wali, raayadda waxa uu u sidaa sidii xisbiga dhulka loogu dhufan lahaa oo dadka loo kala kaxayn lahaa oo halkaa na waa ka shabbahaa wallow ayna suurogalin, waa hor-gale oo dhammaan wixii is casilay isaga ayaa u amiir ah oo waa isla Aadan. Xaqiiqda in uu iska dhego-tiro oo hadal wax ba ka hoosayn, tookh badanina ku jiro ayuu fagaaraha la soo fuulaa, isaga oo leh waxa aannu haysannaa badiba gollihii dhexe oo halkan fadhiya, hadday sidaasi run tahay oo aqlabiyadda haystaan may bedka is geeyaan oo tartanka ogalaadaan, maxay dabada la giijinayaan una leeyihiin nin aan loogu gali Karin ayaa meesha fadhiya. jidka uu hayaa na waa kii Aadan galaaftay oo goor uu gaadhayo ayeynaan ogeyn se socodkeedii waa leeyahay.

 

Waxa kaliya ee loo joogaa, tallow eray ma ka guntami doonaa Xirsi, eraygaas oo ka hadha sidii Aadan markii naftu ka sii gurmaysay la wayddiiyey in uu wax yidhaa, isna yidhi “Adduun I Khatal! Maalintii aan taag hayeyna tallo ma hayn, maanta oo aan tallo hayana taag ma hayo”! Mise imika ayuu tallada odeyga iyo xidhayaashiisa qaadan oo waa is badhqaban? waa wax loo wada joogaa……..

 

 

Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

Hargeysa-Somaliland