Xinka Siyaasadeed ee Xaawalayda Xukuumadda : Faallo: Weriye Maxamed Xarrago

Berbera-(SLpost)-Haweenku way i dhaleen, way ii dhaxday, waanaan dhalay,  dhib iyo ceeb hayga filanina inaan dhowro mooyee.

dhulyow badan baa la yidhi, “Haweenoow idinkaa hormood u noqonaya Hilinkiina haya” Alle ku asturyoo in badan oo ka mid ahi way baro dhaafiyeen ragga badhkood dhurwaaga noqday.

Ha yeeshee waxaa dhib iyo dheg xummo ku noqotay dhiilooyinka siyaasadeed ee dhawaanahan haweenka isu tebinayay oo noqotay “Kanley iyo Keerley”haweenka

Waa weji-gabax siyaasadeed oo ku cusub saaxafadda siyaasadeed iyo hab-dhaqankeeda ummadda, waxaanay u dhowdahay inay gacmaha isula tagaan oo timaha isla rifaan, haddii aan la kala gaadhin oo wacyigelin iyo waano muslinimmo lagu kala bogsiin.

Siyaasaddu ma laha saaxiib joogto ah, haweenkuna yaanay moodin in lagu kala guuray oo la kala raranayo reeraha, haddii giriiftan yari dhexmaray.

Soomaalidu waxay odhan jirtay “Nin durbaan qaatay ilaaq dalbay” Durbaanka la maqlayaa, ujeedada loo tumayaa waa ilaaq, Waxaan ku soo afmeerayaa xinka ha joojiso xaawalayda xukuummaddu.

La soco Qaybta Dambe

Maxamed Xarrago

Somalilandpost.net

Berbera