Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku baaqay in Maxkamadda la soo taago Xildhibaan Xasan Shahar iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Xubno isugu jira Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Dhalinyaro dareenkooda ay taabatay, ayaa si adag uga jawaabay eedaymo uu Xildhibaan Xasan Shahar u jeediyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadam-Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee caasimadda Hargeysa.

Eedaymaha uu Xildhibaan Xasan Shahar u jeediyey Sheekh Aadan-Siira, ayaa ka dambeeyey kaddib markii uu Sheeku si adag u dhaliilay wax-qabadka xildhibaannada Goleyaasha Deegaanka dalka, gaar ahaan kuwa Caasimadda Hargeysa.

Haddaba, Masuuliyiinta arrintan ka hadlay oo maanta si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay, ayaa si adag uga dhiidhiyey eedaymaha uu xildhibaan Xasan Shahar u jeediyey Sheekha oo ay ka dhiidhiyeen, iyagoo wax laga xumaado oo gaf iyo aflagaado qaawan ah ku tilmaamay eedayntaasi.

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanadan ayaa waxaa ay sidoo kale ku baaqeen in Xasan Shahar Maxkamadda la horkeeno maadama uu qirtay xatooyo xoolo ummadeed.