Xildhibaano Congress-ka ka tirsan oo ka digay Ammaan-darro ka dhalata Joojinta Xawilaadda Lacagaha, baaqna u jeediyey Dawladda Maraykanka

xildhibanoWashington (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan labada Aqal baarlamaan ee dalka Maraykanka, ayaa sheegay in joojinta lacagaha loo diri jiray Somaliland iyo Soomaaliya ay halis ammaan ku keenayso Maraykanka, isla markaana dhibaatooyin bani’aadminimo keenayso haddaan xal deg-deg ah.

Xildhibaanadan oo tiradoodu gaadhsyo 12, ayaa qoraal ay soo saareen shalay kuna socodsiiyeen laamaha dawladda Maraykanka, waxa ay ku baaqeen in arrintan laga wada-hadlo, muddo laba todobaad gudahoodna xal kama dambays ah laga saaro, iyaga oo ka digay halis ka dhalan karta joojinta lacagaha ay diraan dadka Maraykanka ku nool ee qoysaskoodu deggen yihiin Soomaaliya Somaliland iyo Soomaaliya.

Merchants Bank California oo ah bangiga keliya ee Xawaaladaha Soomaalida wada-shaqaynta la leh isla markaana 80% ay xawaaladuhu lacagaha soo mariyaan, ayaa sheegay in baqdin uu qabo in lacagaha xawaaladaha sii mara ay gacanta u galaan kooxo argagaxiso ah awgeed uu go’aansaday inuu joojiyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya xawaaladaha Soomaalida, iyada oo wakhtiga uu baarlamaanku u muddeeyey joojinta wada-shaqaynta Xawaaladuhu ku beegnayd 6-dii bishan.

Qoraalka xildhibanaadu kaga digeen halista tallaabadan ka dhalan karta, ayaa in loo baahan yahay xal degdeg ah oo la gaadho, waxaanay ugu baaqeen dhinacyada ay khusayso inay la yimaadaan xal dhow oo diritaankii lacagaha ku sii socon karaan, isla markaana wasaaradda Arrimaha Dibeda Maraykanku abuurto dariiq diritaanka lacagahaasi loo sii marin karo barnaamijyada mucaawinooyinka.

Qoraalka xildhibaanadan ayaa ku soo beegmaya ka dib markii Jimcahii bangi Maraykanka ah oo xisaabaad uga furnaayeen xawaaladaha Soomaalida ee lacagaha soo dira ku wargeliyey inuu xidhay xisaabaadkii xawaaladahu ku lahaayeen, taasoo gebi ahaanba joojinaysa in biilal dambe looga soo diro Maraykanka qoysaska ku nool Somaliland iyo Soomaaliya ee ehelladoodu ku nool yihiin Maraykanka.

Somalilandpost.net