Xildhibaanno Qaaddacay Caleemo-saarka Ugaaska Samaroon, eedaymo iyo digniinna u jeediyay Hoggaanka Kulmiye

Hargeysa, (SLpost)- Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland oo  ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si adag uga soo horjeestay Caleemo saarka Ugaaska cusub ee Beesha Samroon, kaasoo ay sheegeen inaan Caleemo saarkiisa laysku waafaqsanayn.

Xildhibaanadan oo ka soo jeeda Beelaha Maxamed-Case iyo Ba-habar Carfaan ee Beesha Samaroon, waxa ay sidoo kale ka digeen Xiisad Nabad-gelyo-darro iyo gacan ka-hadal ay sheegeen inay ka dhalan karto Ugaaskan cusub ee Caleemo-saarkiisa Gobolka laga Abaabulayo, kaasoo ay sheegeen inay wadato Beel kaliya oo ka mid ah Beelaha Samaroon.

Sidaasi waxa ay ku sheegeen Shir-jaraa’id oo ay galabta ku qabteen Magaalada Hargeysa, kaasoo ay Sidoo kale ku weerareen Hogaanka Xisbiga Kulmiye oo ay ku eedeeyeen inuu arrintan  qas iyo Siyaasad geliyey, ugana digayeen inay arintaasi Ugaaska faraha kala baxaan oo aanay iska horkeenin Siyaasiyiinta Gobolkaasi ka soo jeeda iyo Bulshada.

Xildhibaan Xareed Aw Axmed oo ka mida Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ee Gobolka Awdal oo ugu horayn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi, “Maalin dhaweyd waxaa jaraa’idka lagu qoray in Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka awdal iyo Madaxweynuhu kulmeen, markaa Anigu waxaan sheegayaa inaanay arintaasi jirin, haddii madaxweynaha cidi la kulantayna aanan u dhamayn, waxa kale oo aan leeyahay Hogaamiye Dhaqan oo loo wada dhanyahay ayaa loo baahanyahaye ee aan ka wada tashano iyo maya ayaa laysku hayaa, markaa waxaan soo jeedinayaa arinkan inay siyaasiyiintu ka baxaan oo dhaqanka loo daayo, dhaqankuna Xeer iyo is afgarad ku dhameeyaan waxa laysku hayo.”

Isagoo hadakiisa sii wata waxa uu yidhi “Dawlada waxaan leeyahay hadii cidi isqabato waa la dhexgalaa oo waxa la yidhaah maxaa laysku hayaaye, yaanay degdegin oo dhinac raacin, waayo waxa la yidhi balaayo Daaman la qabto ayay leedahaye dabo la qabto malaha”

Xog-hayaha Guud ee Golaha Guurtida C/lahi Dheere oo ka mid ahaa xubnihii shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay qaabkii lagu dooran jiray Ugaaska  iyo sababta ay ku diidanyihiin kan cusub ee hadda sharaxan. Waxaanu yidhi,  “Taariikh ahaan Gudo-Biirsi saddex Maamul ayay kala raaceen wakhtigii isticmaarka; Ugaaskii berigaa jiray waxa uu raacay Itoobiya oo Jinacsanay ayaa saldhig looga dhigay, ka dib Ugaaskii wuu dhintay, ka dibna waxa la doortay Inankiisii oo Rooble la odhan jiray, kaasoo  ugu dambeeyay Ugaas Beesha Samaroon doorato, isagana waxa Inqilaabay Inankiisii oo Dooddi la odhan jiray, kaasoo markii dambe Suldaan laga dhigay, oo Itoobiya fadhiyay, hadana 1957-kii ayay Dawladii Ingiriisku tidhi, ‘Ugaas soo samaysta’, ka dibna waa laysku waafaqi waayay muddo ka dib, dhibaato badanbaana ka dhacday, ilaa markii dambe TAARKAN lagu joojinayo laga soo saaray. Inankan iminka  la wadaana Doorasho umaba Baahna oo waxa Heshiis Itoobiya la galay awoowgii oo berigaasi u wareegay,” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Isaga oo hadalkiisa  sii wata, waxa uu yidhi, “Hadda iyadoo ay sidaasi tahay, iminka waxa nalagu celiyay 1957-kii wixii dhacay iyo dhibaatadii arrintan ka dhalatay, ragbaa isu diyaarinaya inay soo dhaweeyaan Ugaaska, rag kalena waxay isu diyaarinayaan inay ka hortaagaan, waayo waxay leeyihiin haddii aad soo dhaweynaysaan magaciina ku soo dhaweysta ileen Magaaladu waa garoon inaga dhexeeya oo maalinba ninkii doonaa ku ciyaaro, hadaad doonaysaan inaynu soo wada dhaweynana dee arinka Dhulka inoo dhiga oo aan ka wada tashanee. Maya waan soo dhaweynayaa, adiguna waad ila soo dhaweynaysaa, hadii kale waan ku jiidhayaa ayaa ka socota meesha, waxaanan leenahay arintaas Xeer halaga samaysto ilaa inta meel laysla dhigayana hala joojiyo waxan socda, inankuna hanoo joogo meel inaga tegi maayee”.

Waxa uu sidoo kale Hoggaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay faraha kala baxaan khilaafkan ka dhex aloosan Beeshooda, haddii aanay si dhexdhexaadnimo ladqabo uga gelayn, waxaanu yidhi, “Waxaan u sheegayaa qolyahan Kulmiye, dee horta Odayaal waaweyn ayaad tihiin, haddii aad arrinta dhexdhexaadin ka gelaysaan waxa qurux badnayd inaad labada dhinacba aragtaan, laakiin saaxiibkiin Samaroon ma metelo, Kabo shaaglahana cidi ma kaxayn karto oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kii shalay Madaxweynaha ahaana sharcibuu Madaxweyne ku ahaa, kan maanta joogaana sharcibuu ku yahay, marba kii jooga in la taageerona dantayada ayaa ku jirta iyo danta Somaliland, kolkaa waxaan leeyahay Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay ahayd inay Madaxweyne ku-xigeenkana waraysataan, oo ay isu geeyaan labada ninba, haddii Nin kuu warramo ka kalena waa inaad waraysataa, markaasaad arrinta gunteeda helaysaaye, laakiin Saaxiibkay ayaan la duumay  aad iyo aad  ayaanu uga Xumaanay, aad iyo aad ayaanu ugu sheegnay, markaa waxaanu leenahay Madaxda Xisbiga Kulmiye Gudo-biirsiga Ugaasyada uma sameeyaan ee hanala xushmeeyo”

Xildhibaan Mahdi oo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa isna si adag u qaadacay caleemo saarka Ugaaskan, isagoo ku dooday inaanay Beesha Gobolka  talo ka yeelan Caleemo saarkiisa Ugaaskan, hase yeeshee beel kaliya oo ka mid ah qabaa’ilka beesha Samaroon ay wataan kaligood, “Haddii Beesha samaroon Ugaas samaysanayso mid loo dhex yahay ha noqdo, laakiin anaga Ugaaska laga soo wado Itoobiya dani nooguma jirto, waxaanan leeyahay walaaleheena Masaakiinta ah yaan khilaaf laga dhex abuurin oo laga shaqeeyaa Danta umadda, arinkana waa arin dhaqan ee waa in Xeerkeedii la sameeyaa”

Xildhibaan Diini C/lahi oo ka tirsan Golaha guurtida ayaa isna dhiniciisa yidhi “ horta waxaan leeyahay Xildhibaanada Beesha Samaroon Maxamed Kaahin iyo Muuse biixi maaha, ileen madaxweynaha waxa u tagay labadoodaa iyo laba Nin oo kale, arintan kale ee lagu muransanyahayna waxaan leeyahay Ugaaska Samaroon iyadoo beesha oo dhami garbaha wada hayso ayaa la caleemo saaei jira, laakiin Ugaas tunka lagu sido annagu kuma jirno, waayo Ugaas reer wataa ugaas noqon maayo”.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net