Xildhibaanno Qaadacay Cafis Ay Xukuumadda Nairobi U Fidisay Xubno Kenya Hore Al-shabaab Ugu Eedaysay

Nairobi, (SLP)- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya oo ay tiradoodu dhamayd 20, kana tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka hor-yimi cafis ay dawladda Kenya u fidisay xubno ay Al-shabaab tabobartay, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in xubnahaas la ciqaabo.Xildhibaan_Aadan_Barre_Ducaale

Mudanayaashan oo uu ka mid ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in xubnaha cafiska loo fidiyay ay ka mid yihiin xubno magacyadooda hore loo sheegay oo laga shakisan yahay.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in loo baahan yahay in sidoo kale cafis loo fidiyo dhammaan kuwa tuhunnada u xidhan ama kuwa la sii daayay dib loogu soo celiyo xabsiyada si ciqaab loo mariyo.

Xildhibaannadan ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen dhismaha baarlamaanka dalka Kenya ee Nairobi, waxaana xildhibaannadan ka mid ahaa, Kabando wa Kabando, Johnson Sakaja iyo Maison Leshoomo.

Hoggaaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa ku gacan-saydhay hadallo sheegayay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, isagoo sheegay inuu yahay guddoomiyaha 34 xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi-bari Kenya, oo ay hadalladaasi yihiin kuwo been-abuur ah.

“Go’aankaygu waa mid cad. Anigu kama mid ihi argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ka hadlayay shirka jaraa’id ee maanta ay ku qabteen xarunta baarlamaanka Kenya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dawladda Kenya ay sheegtay inay xabsiyada dalkeeda kasii daysay xubno hore loo qabtay oo lagu tuhunsanaa inay Xarakada Al-shabaab ee dalka Kenya ka tirsanaayeen, kuwaasoo aan la horkeenin wax maxkamad ah.

 

Somalilandpost.net