Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka oo Dhaliilo Xooggan u jeediyey Wasiirka Macdanta iyo Biyaha

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka Somaliland oo ka soo afar gobol oo ka mid ah Somaliland ayaa eedo kala duwan u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Eng Xuseen Cabdi Ducaale, iyaga dusha u saaray inuu faraha kula jiro arrimo qaranimada wax u dhimaya.

Xildhibaannadani waxay wasiirka ku sheegeen inuu meel kaga dhacay Dastuurka iyo sharciga dalka iyaga oo ku eedeyey inuu bulshada gobolladaas ka dhexwado iska horkeen iyo colaad iyo inuu deegaamada qaarkood ka cuno-qabataynayo adeegyada Biyaha.

Xildhibaannadan oo magacyadoodu kala yihiin Xil-dhibaan C/raxmaan (Xoog), Xil-dhibaan Jaamac Xasan Adan, Xil-dhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Xil-dhibaan Max’ed Saalax Cige, Xil-Dhibaan Xuseen Cige, Xil-dhibaan Cali Xaaji, Xil-dhibaan C/qaadir Askar oo shir-jaraa’id oo ay qabteen ka soo saaray Warsaxafadeed ay ku soo bandhigeen dhaliilaha wasiirka, waxa uu isaga oo dhammeytiran u dhignaa sidan:

“Mudanayaasha Xil-dhibaanada labada Gole ee hoos ku saxeexan oo ka kala tirsan laba Gole ee sharci-dejinta (Golaha Wakiiladda & Golaha Guurtida), lagana soo doortay Gobolada M/jeex, T/dheer, Sanaag, Saaxil & Sool, waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa eedo culus oo ku kacay Wasiirka Macdanta, Tamarta & Biyaha Mudane Xuseen Cali Ducaale kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Dastuur jebin
  2. Sharci jebin
  3. Eex, kala qabyaaladayn, sed-bursi & kala takoorid buslsho
  4. Iska horkeenid iyo colaad ka dhex abuurid beelaha S/land qaarkood
  5. Iska hor keenid beelaha qaarkood iyo Xukuumadda Somaliland
  6. Ka kala dagaalan iyo ka cunaqabatayn degaamada qaar adeegyada biyaha

Eedahaas iyo dhagartaa uu Wasiirkaasi kala kacay bulshada walaalaha ah ee Somaliland wada degan oo aan halkan lagu soo koobi Karin waxaan, mid kasta ka tilmaamaynaa hal ama laba dhacdo oo sawir cad ka bixinaya hab-dhaqanka Wasiirkaa:

  1. KU XADGUDUBKA DASTUURKA

Wasiirka MT&B wuxuu si aan gabasho lahayn ugu xadgudbay Qod:112 aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan:

  1. Maamulka adeegayada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose/dhexe, xannaanada xoolaha, nabadgelyada gudaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta iwm, waxa xilkoodu saaran yahay maamulada gobollada iyo degmooyinka hadba heerka ay hanan karaan.
  2. KaIa-xadaynta awoodda maamul iyo cashuuraha ee Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka, xeerka xidhiidhka Dawladda-dhexe iyo gobollada/degmooyinka ayaa caddeynaya.
  3. Kala-xadaynta ku tilmaaman faqradda 1aad ee qodobkan, waa inay noqoto mid suurta-gelisa isku filnaansho gobollada iyo degmooyinku ka gaadhaan dhinacyada adeegyada bulsho.

Ka dib markii uu adeegyda Biyaha oo Dastuurku xilkooda saaray Maamulada Gobolada iyo Degmooyinka si sharci-daro ah ugu farageliyay Degmooyinka qaarkood oo ay ka mid tahay Degmada Burco oo uu kala wareegay maamulkii Wakaalada Biyaha Burco, isagoo Wakaalada biyaha C/gaabona isku deyay, si sharci-daro ahna ugu magacaabay Maareeye cusub.

Wasiirka MT&B wuxuu si aan gabasho lahayn ugu xadgudbay Qod:31aad, faqrada 2 aad ee Dastuurka JSL oo u dhigan sidan: “2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana Ia bixinayo cawil-celin munaasib ah”.

Ka dib markii uu shirkada NAAFUURA Company oo maalgelin ku samaysay biyo gelinta xaafadaha Galbeedka Burco oo ay heshiis kala gashay ruqsadna uga haysatay Golaha Degaanka Burco ilaa 2004, hanti badana gelisay uu si awood sheegasho ah, uga joojiyay, hantidii kaga jirtayna kala wareegay.

  1. KU TUMASHADA SHURUUCDA

Wasiirka MT&B wuxuu ku tuntay Xeerka Is-maamulka Gobolada & Degmooyinka Qod:71 aad, faqrada 3 aad (Xeer Lr.23/03 (06) oo awood u siinaysa Maamulada Degmooyinka oo qeexaya in Wakaaladaha biyaha ee Degmooyinku ay hoos yimaadaan Golayaasha Degmooyinka ay ka tirsan yihiin, iyagoo maamulada Degmooyinka sharcigu awood u siiyay in ay heshiis kula geli karaan shirkado wadani ah biyo gelinta, biyo qaybinta, biyo fidinta, biyo soo saarista ee Magaalooyinka, si waafaqsan Qod:71 aad, faqrada 3aad ee X/L 23/03) oo u dhigan sidan:

QODOBKA 71 ‘aad.

HESHIISYADA FARSAMADA.

Hay’adaha Dawliga ah ee adeegga bulshada, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha & Shirkadaha Caalamiga ah, waxaa shardi ah in ay heshiis qoraal ah kala galaan Degmada arrimaha farsamo ee Qodobk 1, 2, 3 4, 5, 6, 7, 8 ee hoos ku qeexan:

Iyadoo arrimaha lagu sheegay qodobkan in Hay’adaha Dawliga ah ee adeegga bulshada, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha & Shirkadaha Caalamiga ah ay heshiiska kala geli karaa Degmooyinka ay ka mid tahay addegga biyaha oo qeexay faqrada 3 aad, ee Qod:71 aad ee Xeer Lr. 23/03 oo u dhigan sidan:

3. WAKAALADA BIYAHA DEGMADA

a)       Golaha Degmadu, waxay xaq u leeyihiin kormeer iyo warbixin, la tashi madaxda Wakaalada Biyaha, iyagoo mar walba ka duulaya daryeelka arrimaha bulshada ee dhinaca biyaha. Waxayna hoos imanayaan Wakaalada biyuhu maamulka Dawladda Hoose.

b)       Golaha Degmadu waxay warbixinta u soo gudbinayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha

c)       Wakaalada Biyaha Degmada waxaa laga rabaa inay joogtaynta biyo gelinta oo naqshadaysan u gudbiyaan maamulka Degmada si loo waafajiyo fidinta iyo naqshada Degmada, waxaana laga rabaa macluumaadkan:

  1. Xaafadda biyo galinta lala rabo
  2. Jidadka iyo toobiyaha biyo galinta,
  3. Cabirka iyo muga dhismaha biyo kaydiyaha (Water Reservior)
  4. Dhuumaha iyo qasabadaha Kiyooska “Main Pipes” dhumucdooda
  5. Qasabadaha biyo qaybinta dhumucdooda “Oistrbution pipe line”
  6. Cabirka dhismaha gododka biyo qaybinta “Main Valves”
  7. Cabirka dhulka hoostiisa ee qasabaduhu ku duugan yihiin ama ku aasan yihiin.
  8. Nooca saacadaha biyo tiriska
  9. Goobaha waraabka dadweynaha “Kiosks” tiradooda

d)       Maareeyaha iyo Maareeye ku-Xigeenk Biyaha waxaa magacaabaya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha markuu la tashado Madaxweynaha, marka laga reebo Mareeyaha iyo Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa oo uu si toos ah Madaxweynuhu u magacaabayo.

Isagoo Xeerku sidaa qeexaya ayuu Wasiirku si sharci-daro ah u joojiyay heshiiskii biyo gelinta ee ay wada galeen Shirkada NAAFUURA Comp. & Maamulka Degmada Burco sida ku qeexan Heshiiska iyo Qoraalka summadiisu tahay REF/DHD/BUR/48/04/2004 ee la qoray 24/04/04, taas oo Shirkada Wadaniga ah AL-NAFUURA ee Maamulka Degmada Burco ugu wakiishay biyo gelinta qayb ka mid ah xaafasaha Burco, kaas oo ahaa heshiis waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka ka dheegmay ee qodobadoodu kor ku xusan yihiin, oo lahaa ilaalin sharci.

  1. EEX, KALA QABYAALADAYN, SED-BURSI & KALA TAKOORID BULSHO

Wasiirka Macdanta, Tamarta & Biyaha muddadii uu xilka hayay wuxuu ku dedaalayay in mashaariicda wax-qabadka ee dhinaca biyaha uu Degaamada Somaliland kala qabyaaladeeyo, u kala eexdo, beesha uu ka soo jeedo u sad-buriyo, beelaha kalena ka takooro wax-qabadka biyaha, iyadoo aynu og nahay in biyuhu yihiin aasaaska nolosha aadamaha oo ka takoorida wax-qabadka bulshada haraadan ay ka dhigan tahay kala dagaalanka nolosha; waxaa cadayn u ah falalka Wasiirkaa dhacdooyinkan:

  1. Qaabka Wasiirku u qaybiyay Ceelashii Imaaraadka Carabtu JSL ugu deeqay:

Ceelasha Riigga ah ee Imaaraadka Carabta (UAE) ugu deeqay dalka oo Gobolka T/dheer loo qoondeeyay 6 ceel oo riig ah, dhamaan wuxuu amray Wasiirku in laga qodo Bariga Burco oo ah degaamada ay degto Beesha uu ka soo jeedaa, isagoo degaamada kale ee Gobolka T/dheer ka takooray wax-qabadkaa, si beeshiisu sed-bursi ugu hesho deeqdaa biyaha.

  1. Qaabka Wasiirku u qaybiyay Ceelashii Kuwait ku deeqday Ceelasha Riigga ah ee Boqortooyada Kuwait ugu deeqay dalka JSL, oo ahaa 16 ceel oo riig ah, Wasiirku wuxuu u qoondeeyay 9 ka mid ah degaanka beeshiisa, (5) soo hadhay wuxuu u qaybiyay Degaamada Somaliland intooda kale.
  2. Qaabka mashaariicda biyaha ee UNICEF wejiga kowaad ee sanadkan 2012

Wasiirku wuxuu u gudbiyay Hay’adaha UNICEF oo ah hay’ada ugu way nee Somaliland xagga biyaha ka taageerta lix biloodka hore ee sanadkan 2012 in ka fuliso mashaariic biyaha ah 17 goobood, kuwaas oo Wasiirku u qaybiyay Gobolka Sool (4) goobood oo ay dhamaan degto beeshiisu, Saaxil (3) goobood oo (2) beeshiisu degto, Awdal (6) goobood oo (4) Lughaya yihiin, midna Saylac yahay, M/jeex (4) goobood, halka Sanaag iyo T/dheer midna aanu qorshaha wax kaga darin, taas oo ka dhigaysa in (17) mashruuc (6) ka mid ah uu Degaamada beeshiisa u qoondeeyay.

  1. Qaabka mashaariicda biyaha ee UNICEF wejiga labaad ee sanadkan 2012

Wasiirku wuxuu u gudbiyay Hay’adaha UNICEF oo ah hay’ada ugu way nee Somaliland xagga biyaha ka taageerta lix biloodka danbe ee sanadkan 2012 in ka fuliso mashaariic biyaha ah 17 goobood, kuwaas oo 12 ka mid ah uu u qoondeeyay degaamada beeshiisu degto (eeg Water priority to UNICEF Phase II), taas oo ka dhigay wax-qabadka Biyaha ee sanadka 2012 in Beesha Wasiirku ay ka helayso 53% in ka badan, halka ceelasha dhaadheer ee Kuwait iyo Imaaraadku bixiyeen ay beeshiisu ka helayso 15 ceel oo riig ah, halka aanay beelo kale oo waawayn oo shan Gobol degaa aanay waxba ka helayn ee degaamadooda wax-qabadka biyaha laga takooray

  1. KALA DAGAALAN & KA CUNAQABATAYN DEGAAMADA & DADKA QAARKOOD ADEEGYADA BIYAHA, MACDANTA & TAMARTA

Wasiirku muddadii uu xilka Wasaarada hayay, wuxuu kala dagaalamay degaamada shanta Gobol ee nalaga soo doortay iyo beelaha Sool iyo Sanaag Bari gaar ahaan in kasta oo degaamo kalena la qabaan  wax-qabadka biyaha, wuxuuna dadka ka soo jeedaa degaamadaa ka cunaqabateeyay ama ka joojiyay, ruqsadaha la xidhiidha Biyaha, Macdanta iyo Tamarta, waxaana tusaale cadayn ah aan u soo qaadan karaa:

  1. Wuxuu is hortaagay qodista Ceelkii Bohol
  2. Wuxuu diiday oo weli hortaagan yahay in ceel loo qodi lahaa Dugsiga hoyga ah (Boarding school) ee Cali Ciise oo T/dheer ka tirsan oo ay iska kaashanayeen INGO iyo Bulshada degaankaasi
  3. Wuxuu joojiyay oo ilaa hadda taagan Ceel riig ah oo laga qodayay Xaafada Koosaar ee Burco, isagoo xidhay riiggii Imaaraadka oo qodayay
  4. Wuxuu joojiyay biyo gelintii xaafadaha Galbeedka Burco oo sifo sharci ah ay u waday Shirkada NAAFUURA Company
  5. Wuxuu joojiyay shirkado iyo shakhsiyaad ka soo jeedaa degaamadaa oo hore sifo sharci ah loo siiyay oo ugu shaqaysanayay ruqsado ganacsi, soo saaris ama baadhis macdanta iyo tamarta la xidhiidhay, isagoo u bartil-maameedsaday oo keliya haybtooda
  6. Wuxuu hortaagan yahay ruqsadaha la xidhiidha adeegyada biyaha, macdanta iyo Tamarta oo shirkado iyo shakhsiyaad degaamadaa ka soo jeeda oo buuxiyay shuruudihii lagu bixinayay ay soo codsadeen
  7. Wuxuu shaqadii ka eryay qaarna xilalkii ay hayeen ka qaaday shaqaalihii, aqoonyahankii iyo saraakiishii muddada 20 sano ah, Wasaarada ka soo shaqaynaysay, isagoo ku bedelay, dad ay isku beel yihiin oo aan aqoontooda iyo waaya’aragnimadooda lahayn
  1. ISKA HORKEEN & COLAAD KA DHEX ABUUR XUKUUMADA & BEELAHA SOMALILAND QAARKOOD

Maadaam biyuhu yihiin aasaaska nolosha aadamaha, biyo la’aana aanay nololi jirayn, falalka Wasiirka uu adeegyada biyaha kaga cuna-qabataynayo degaamada qaarkood iyo beelaha dega waxaa hubaal ah in Wasiirku uu uga dan leeyahay in uu ku kiciyo, nacayb, cadho iyo colaal isu geliyo bulshada degaamadaa iyo beelahaa uu adeegyada bulshada ee aasaasiga ah uu ka takoorayo ama ka cuna qabataynayo

  1. COLAAD KA DHEX ABUUR BULSHADA WADA DEGTA T/DHEER

Wasiirkan falalkiisu, gaar ahaan kan ugu danbeeyay ee biyo gelinta kaga joojinayo xaafadaha Galbeedka Burco, waxay colaad iyo xasarad aan loo baahnayn kala dhex dhigaysaa bulshada walaalaha ah ee kuwada nool magaalada Burco.

Ugu danbayn, iyadoo falalka Wasiirkaas ee Dastuur jebinta ah, ku tumashada sharciga ah, kala kaxaynta iyo kala takoorida bulshada ah aanu muddo dheer u dulqaadanaynay, marar badan si gaar-gaara iyo si guudba ugala hadalay, base uu ka waantoobi la’ yahay, cabashada bulshada na soo dooratayna ee Wasiirkan ku wajahana ay sii kordhayso, haddana ay soo gaadhay heer aan loo sii adkaysan Karin, waxaanu:

  • Aad uga xunahay in masuul xil Qaran oo Wasiirnimo loo magacaabay uu Dastuurka, sharciga iyo bulshadaba sidaa ugu gabood-falo
  • Waxaanu ugu baaqaynaa M/waynaha Jamhuuriyada Somaliland in uu si deg-deg ah Wasiirkaa xilka uga qaado, falalkiisana kula xisaabtamo oo sharciga mariyo
  • Waxaanu u qaadanaynaa in Dastuur jebinta, sharci ku tumashada iyo kala kaxaynta iyo iska horkeenka bulshada uu M/waynuhu u dirtay oo kaga raali yahay Wasiirkan haddii uu wax ka qaban waayo oo ummada ku sii daawado
  • Waxaanu cadaynaynaa in Dastuurka iyo shuruucda dalkaba ay khilaafsan tahay Wareegtada Wasiirka Macdanta, Tamarta & Biyuhu kaga joojinayo Shirkada NAAFUURA biyo gelinta Xaafadaha Galbeedka Burco ee hore Maamulka Degmada Burco ruqsada ugu siiyay oo aanay u hogaasamin hawshooda biyo gelintana sii wataan
  • Waxaanu ku boorinaynaa maamulka iyo masuuliyiinta ammaanka ee Gobolka T/dheer  iyo Degmada Burco in Dastuurka iyo sharciga Qaranka loo hogaansamo ee aan cidna sharci-daro lagu gacansiin
  • Waxaanu ugu baaqaynaa Bulshada Degmada Burco in wadajirkooda, xasiloonidooda, walaalnimadooda iyo wada noolaanshahooda ilaashadaan oo aan iyaga la iska hor keenin, iyagana la isu adeegsan
  • Waxaan ugu baaqaynaa xil-dhibaanada labada Gole in waajibka loo soo doortay ee ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda sidooda u gutaan, bayaankana nagu taageeraan”

Saxeexa Xil-dhibaanada soo saaray bayaankan:

  1. Xil-dhibaan C/raxmaan (Xoog)
  2. Xil-dhibaan Jaamac Xasan Adan
  3. Xil-dhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari)
  4. Xil-dhibaan Max’ed Saalax Cige
  5. Xil-Dhibaan Xuseen Cige
  6. Xil-dhibaan Cali Xaaji
  7. Xil-dhibaan C/qaadir Askar

SOMALILANDPOST.NET